Wasiirka kalluumeysiga oo guddoomiyey shirkagolaha Maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga

0
Monday October 21, 2024 - 21:37:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka kalluumeysiga oo guddoomiyey shirkagolaha Maareynta iyo horumarinta kalluumeysiga

    Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aadan ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federaal iyo dowlaha Xubnaha ka ah dowladda federaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aadan ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federaal iyo dowlaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka kaas oo ka qabsoomay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Shirkaan oo ah kii 4aad ee golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga FMDC waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, ka doodista iyo meel-marinta heshiis hoosaadka maamulka mashruuca badmaal (Badmaal Subsidiary Agreement) ee heer federaal iyo heer dolwad gobolleed iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo Jillaabashada noole biyoodka dabar go'aya. Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federaal oo doodo wax ku ool ah ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal iyo fulinta qorsheyaasha loo dajiyey nidaaminta iyo horumarinta Kalluumesiga dalka. Wasiirka Wasaaradda mudane Axmed Xassan Aadan ayaa hadaljeedintiisa shirka ku sheegay in ay ka go'an tahay sidii horumar la taaban karo loo gaarsiin lahaa Kalluumeysiga isaga oo intaa ku daray in Golaha Qaran ee FMDC uu kaalin muhiim ah ku lee yahay hirgalinta ajendeyaasha horutabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga Qaran ka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip