Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay'adda samafalka ee Boqor Salmaan

0
Monday October 21, 2024 - 21:35:33 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay'adda samafalka ee Boqor Salmaan

    Guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay'adda ku qaabilay wafti ka socda xarunta arrimaha Gargaarka iyo Bani'aadannimada ee Boqor Salmaan oo uu hoggaaminayay ku xige

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay'adda ku qaabilay wafti ka socda xarunta arrimaha Gargaarka iyo Bani'aadannimada ee Boqor Salmaan oo uu hoggaaminayay ku xigeenka madaxa KS Relief Dr. Cabdullaahi Macallin oo uu wehliyo Madaxa Xarunta ee xafiiska Afrika Dr. Yasid Cabdalla Xaamud. Kulanka waxaa looga hadlay sidii Xarunta King Salman taageero wax-ku-ool ah uga geysan lahayd ka hortagga iyo yareynta khataraha ka dhalan kara abaaraha la saadaalinayo, sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha adkeysiga iyo la qabsiga is-beddelka cimilada, dhisidda tayada iyo kartida hay'adda SoDMA iyo xoojinta hindisaha digniinaha ee dadka lagu ogaysiiyo khataraha. Intii uu socday kulanka waxaa la isku raacay in Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ay korjoogteyn rasmi ah ku yeelato howlaha iyo mashaariicda ay dalka ka fulineyso Xarunta KSRelief iyo in SoDMA laga taageero, loona diyaariyo sidii ay mustaqbalka dhow ula wareegi lahayd hirgalinta mashaariicda Boqortooyada Sacuudigu ugu deeqdo Soomaaliya. Masuuliyiinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada shaqeynta dhow ee ka dhaxaysa labada dhinac, halka ay wadajir u bogaadiyeen xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip