Ra'iisul wasaare Xamse oo magacaabay Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2-aad iyo wasiirro

0
Monday October 21, 2024 - 21:32:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamse oo magacaabay Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2-aad iyo wasiirro

    Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniinta maanta ah u magacaabay Cabdisalan Cabdi Calii inuu noqdo Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ee dalka, iyadoo sidoo kale wasiirkii hore ee Maaliyadda, D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniinta maanta ah u magacaabay Cabdisalan Cabdi Calii inuu noqdo Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ee dalka, iyadoo sidoo kale wasiirkii hore ee Maaliyadda, Dr.Cilmi Nuur loo magacaabay inuu noqdo wasiirka hawlaga guud iyo guriyeynta, Yuusuf Maxamed Aaden ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, halka Maxamed Axmed Aaden loo magacaabay inuu noqdo wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu sidoo kale u magacaabay 6-wasiir dowle waaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Batroolka iyo Macdanta, Haweenka iyo arrimaha Qoyska, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Ganacsiga iyo Warshadaha. Magacaabistan ayaa timid ka dib markii Ra'iisul Wasaaruhu qadariyey talada madaxweynaha iyo ahmiyadda ay leedahay in la dardargeliyo shaqada xukuumadda, sida uu sheegay Afhayeenka xukuumaddu.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip