Ciidamada Kenya oo wareejiyay saldhigga ay ku lahaayeen tuulada Kudhaa ee Jubbada Hoose

0
Saturday October 19, 2024 - 21:57:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo wareejiyay saldhigga ay ku lahaayeen tuulada Kudhaa ee Jubbada Hoose

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah saldhigga Kudhaa ugu wareejiyay ciidamada nabad sugidda Jubaland (SSF). Kudhaa oo ku taalla Jubbada Hoose, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii gacanta ku hayay ATMIS Ciidamada Di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si rasmi ah saldhigga Kudhaa ugu wareejiyay ciidamada nabad sugidda Jubaland (SSF). Kudhaa oo ku taalla Jubbada Hoose, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii gacanta ku hayay ATMIS Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), iyagoo door muhiim ah ka qaatay difaaca magaalada Kismaayo. Col. Ibraahim oo ah sarkaal katirsan ciidanka ATMIS ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya sida ay u sugeen ammaanka gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee imaanaya in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulihii ay ka gaareen kuwii ka horreeyay. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas'uuliyadda amniga dalkeeda. Xilwareejinta Kudhaa waxay daba socotaa qorshe ballaaran oo dhex maray ATMIS, SSF, iyo ciidamada Jubbaland, taas oo hubinaysa in kala guurku uu si habsami leh u dhaco. Munaasabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas'uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, markaas oo lagu wado in howlgalka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu dhaco.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip