Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

0
Saturday October 19, 2024 - 21:54:05 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv,gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan. "Netanyahu iyo qoyskiisa ma joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv,gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan. "Netanyahu iyo qoyskiisa ma joogin Caesarea markii uu weerarku dhacay" ayaa lagu yiri bayaan ama war cad oo ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha, waxaana intaa lagu daray in halkaasi uu ku dhintay hal ruux,isla markaana ay ku dhaawacmeed 13 kale. Warbaaghinta oo so xiganeysay xukuumadda Israel ayaa sheegtay in Iran ay ka dambeyso duqeymahaasi,isla markaana ay doonayaan in ay khaarajitaan Netenyahu. Dhanka kale Ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 80 kalena waxaa lagu dhaawacay weerar ay Israa'iil ku qaadday waqooyiga Qaza ee Jabalia iyo xeryaha qaxootiga ee Maghazi. Dhimashada iyo dhaawaca dadkaasi oo ay ku jiraan carruur ayaa yimid xilli ciidamada Israa'iil ay beegsadeen cisbitaallada al-Awda iyo Kamaal Adwan ee waqooyiga Qaza. Xamaas ayaa sheegtay in maxaabiista Israa'iil aan la sii deyn doonin haddii aan la joojin xadgudubka Gaza,isla markaana aan la saarin ciidamada Israel ee ku soo duulay deegaanada Falastiin. Dhimashada Gaza ayaa mareysa 42,500 oo qof ,halka dhaawaca lagu sheegay 99,546,iyadoo dhinaca kale tirada dadka reer Lubnaan yak u dhowdahay 2 kun.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip