Qorshaha Shanta Sanno ee Haya'adda Qaxoontiga Qaranka oo Muqdisho lagu soo bandhigay

0
Saturday October 19, 2024 - 21:52:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Shanta Sanno ee Haya'adda Qaxoontiga Qaranka oo Muqdisho lagu soo bandhigay

    Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay Bandhigga Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda 5-ta sano ee soo soo socota ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday. Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga Qaranka Marwo Safiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay Bandhigga Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda 5-ta sano ee soo soo socota ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday. Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo sharaxday sida uu muhiim u yahay qorshaha Qaran ee qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku barakacay ayaa xustay in haddii la xoojiyo doorka dowladda iyo bulshada ay garab dhab ah u noqonayso dadkeena danta yar. Ururrada Bulshada Rayidka ah ee shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa sheegay in dowladdu dhan kasta diyaarisay qorshayaasha iyo sharciyada kaabaha garab istaagga Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday, wuxuu sidoo kole xusay in Bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah kaga jiraan Garab istaagga dadkeena danyarta ah. Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday oo socon doona ilaa 2029 ayaa ku dhisan xog uruurin laga sameeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loo sal fariisiyo xalka waara ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip