DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed

0
Saturday October 19, 2024 - 21:45:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed

    Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. Gargaarkaan ayaa ka ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan. Gargarkaan waxaa la wareegay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay'addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga. Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip