Shirka dib u eegidda habraacyada isku dubaridka dhaqaalaha buluugga ah oo ka furmay Muqdisho

0
Wednesday October 16, 2024 - 21:46:35 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirka dib u eegidda habraacyada isku dubaridka dhaqaalaha buluugga ah oo ka furmay Muqdisho

    Shirka ansixinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, (Interministerial Coordination and Resource Mobilization Meeting on Blue Economy), oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka ansixinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, (Interministerial Coordination and Resource Mobilization Meeting on Blue Economy), oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaan ayaa diiradda saaraya Ansixinta habraacyada lagu xoojinayo isku-xirka iyo maareynta Dhaqaalaha Buluugga, Dib u eegista iyo ansixinta warbixinta Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Horumarinta Istaraatiijiyadaha isku-dubaridka kheyraadka si loo taageero fulinta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Buluugga ee Qaranka. Agaasimaha Waaxda Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Marwo Ra'isa Mohamed ayaa furitaanka shirkaan ka sheegtay in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgalinta habraacyo dhammeystiran kuwaas oo si wada jir ah loogu maareyn karo Qorsheyaasha horutabinta u leh dhaqaalaha Buluugga ee dalka. Wasiirada wasaaradaha ku bahoobay dhaqaalaha Buluugga ayaa si rasmi ah u meelmarin doona habraacyada lagu soo bandhigay, habraacyadaan ayaa la jaanqaadaya Istiraatiijiyadda Qaran ee Dhaqalaha Buluugga iyo Sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip