Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha : "Cunto saxan ayaa leh mustaqbal iyo nolol wanaagsan"

0
Wednesday October 16, 2024 - 21:35:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha : "Cunto saxan ayaa leh mustaqbal iyo nolol wanaagsan"

    Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo waraabaaka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Cuntada saxan ay leedahay mustaqbal iyo nolol wanaagsan. Wasiirka oo ka hadlayay laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeralay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo waraabaaka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Cuntada saxan ay leedahay mustaqbal iyo nolol wanaagsan. Wasiirka oo ka hadlayay laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeralayda Soomaaliyeed iyo maalinta Cuntada Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay in qofkasta oo caalamka ku nool uu helo cunto nafaqa leh. Wasiirka ayaa sheegay in sugnaanta cuntada Soomaaliya ay ka jirto caqabado, kuwaas oo ay ugu horreeyaan amniga, isbeddelka iyo in la xoojiyo aqoonta beeralayda, iyadoo lala kaashanayo hay'adaha caalamiga ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha XFS Maxamuud Maxamed ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoogga saaraan tacbashada beerahooda. Wakiilka Hay'adda FAO ee Soomaaliya Ronald Kassab ayaa sheegay in hay'addu dowladda ku garab istaagi doonto soo saarista dalagyada kala duwan ee dalka. Agaasime ku xigeenka hay'adda WFP Allison Lawi ayaa sheegtay in Isbeddelka Cimillada uu keenay wax soo saarka dalka in uu yaraado.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip