Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka

0
Wednesday October 16, 2024 - 21:32:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2025-2029. Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Ra'iisul w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2025-2029. Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda DanQaran, ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, mas'uuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale. Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labadii sano ee dowladdani joogtay 70 kun oo ruux ay dowladdu shaqaaleysiisay, kuwaas oo isugu jira Shaqaale Rayid ah iyo Ciidanka amniga. Wuxuuna intaa ku daray in ay dhiirri gelinayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaaso oo qayb ka qaadanayo yaraynta shaqa la'aanta, isagoo xusay in bilaha soo socda ay dalka ka billaaban doonaan mashaariic badan iyo maal-gashiyo kala duwan. Ra'iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Qorshaha Isbadalka Qaranka uu caddeynayo halkii aan shalay joognay, halka hadda aan ku sugannahay iyo meesha aan u soconno. Ra'iisul wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo la'aanta Soomaaliya ka jirta ay ka badan tahay 70%, wuxuuna xusay inta ay xukuumadda DAN-QARAN samaysay dedaallo lagu yaraynayo arrintaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip