Wasiirka Deegaanka XFS oo dalka Sacuudiga uga qeyb gashay shir looga hadlayay Cagaarinta Bariga dhexe

0
Wednesday October 16, 2024 - 21:29:24 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Deegaanka XFS oo dalka Sacuudiga uga qeyb gashay shir looga hadlayay Cagaarinta Bariga dhexe

    Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga qeybgashay shir-ka Golaha Wasiirada ee Barnaamijka Cagaarinta Bariga dhexe (The Middle East Green Ini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga qeybgashay shir-ka Golaha Wasiirada ee Barnaamijka Cagaarinta Bariga dhexe (The Middle East Green Initiative"MGI" Ministerial Council Meeting) oo ay ku kulmeen wadamada aas aasay MGI oo ay soomaaliya qeyb ka tahay. Shirkan waxaa kasoo qeybgalay inta badan Wasiirrada jaamacadda Carabta waxaana Hindisaha MGI uusoo bilowday 2021 kii kadib markii ay 30 waddan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ay ku kulmeen Magaalada Riyaad si looga hortago xaalufka iyo deegaan burburka, Deegaankana dib loogu soo nooleeyo. Labaatan dal oo ay hoggaaminayso Sacuudi Carabiya, Soomaaliyana ay xubin ka tahay ayaa billaabay diyaarinta Barnaamijka MGI oo hadafkiisu yahay in la beero 50 bilyan oo geed dhamaadka sanadka 2030-ka. Soomaaliya ayaa sanadkii ugu horeeyay ku dhawaaqday in la beero ku dhawaad 10 milyan oo geed oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay ( Hindisaha Soomaaliya Cagaaran), oo ay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, XFS waxbadan ka qabatay labadii sano ee lasoo dhaafay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip