Shirka meelmarinta habraacyada isku xirka Dhaqaalaha Buluugga ah oo lagu soo xiray Muqdisho

0
Wednesday October 16, 2024 - 21:27:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka meelmarinta habraacyada isku xirka Dhaqaalaha Buluugga ah oo lagu soo xiray Muqdisho

    Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa soo xiray shirka meelmarinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen wasaaradaha Deegaanka iyo Is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa soo xiray shirka meelmarinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, kaas oo ay kasoo qeybgaleen wasaaradaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada, Warfaafinta, Dekadaha, Batroolka iyo Tamarta iyo KHeyraadka biyaha. Wasiirka ayaa hadaljeedintiisa munaasabadda kaga hadlay dedaallada ay wasaaraddu galisay in la mideeyo dhammaan dhaqdhaaqyada la xriira dhaqaalaha buluugga ee dalka iyadoo ay hoggaamineyso wasaaradda Kalluumeysiga, Wasiirka ayaa sheegay in meeshaan lasoo gaaray ay ku timid dedaal ay bixisay wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradaha bahwadaagta la'ah iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya ka taageera horumarinta Dhaqaalaha Buluugga. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa xusay in dhawaan la meelmariyey Isitiraatiijiyada Dhaqaalaha Buluugga ee dalka taas oo la waafajiyey qorsheyaasha heer qaran iyo heer gobo ee la xiriira Dhaqaalaha Buluugga. Shirkaan ayaa lagu meelmariyay madasha dhaqaalaha Buluugga oo ay ku mideysan yihiin wasaaradaha ku bahoobay Saktarkaan taas oo ka kooban heer wasiir oo hoggaamin doona dhinaca siyaasadda, heer agaasimeyaasha guud oo hoggaamin doona arrimaha farsamada, iyo heer xog-hayeyaal oo diyaarin doona shaqooyinka guddiyada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip