Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray shirarka qaar ka mid ah guddiyada golaha

0
Tuesday October 15, 2024 - 21:02:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray shirarka qaar ka mid ah guddiyada golaha

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira gudashada waajibaadkiisa shaqo iyo dardargelinta howlaha Golaha ayaa kormeer ku tagay xafiisyada qaar ka mid a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira gudashada waajibaadkiisa shaqo iyo dardargelinta howlaha Golaha ayaa kormeer ku tagay xafiisyada qaar ka mid ah guddiyadda Golaha Shacabka oo xiliga Guddoomiyaha uu kormeerayay ku guda jiray howlmaalmeedkooda shaqo, waxaana Guddoomiyaha oo guddoomiyay shirarka guddiyadda ku bogaadiyay shaqooyinka ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala maadaamaa uu dhowaan xirmayo kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka. Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiyadda uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Amniga, Federaalka iyo Maamuladda ee Golaha Shacabka, Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la Xisaabtanka Hay'addaha Dowladda ee Baarlamaanka labadiisa Aqal waxaana dhamaan guddiyada uu kormeeray uu kula dardaarmay gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqeynta shuruucda hortaala.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip