Wasiir Fiqi oo la kulmay guddiga arrimaha dibadda aqalka sare

0
Tuesday October 15, 2024 - 21:00:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo la kulmay guddiga arrimaha dibadda aqalka sare

    Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye. Wasiirka ayaa xuqu in ay ku dhaqmayso was

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye. Wasiirka ayaa xuqu in ay ku dhaqmayso wasaaraddu mabda'a hufnaanta iyo isla xisaabtanka, isagoo xoogga saaraya arrimaha muhiimka ah sida wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, heshiisyada caalamiga ah, xiriirka iskaashiga caalamiga ah, dhaqangelinta shuruucda shaqada dibedda, miisaaniyadda safaaradaha, iyo dhowrista siyaasadda arrimaha dibadda. Wasiirku wuxuu ballanqaaday in isla xisaabtan dhab ah uu noqon doono udub dhexaadka hawlaha Wasaaradda si loo hubiyo in howllaha muhiimka ah ee qaranka loo fuliyo si waafaqsan caddaaladda iyo sharciga. Kulankan wuxuu buuxiyey waajibaadka dastuuriga ah ee Wasaaradda iyo Guddiga Aqalka Sare. Mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa sidoo kale ka qaybgalay wadahadallada, taas oo abuurtey wada shaqeyn lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip