Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka

0
Tuesday October 15, 2024 - 20:59:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka

    Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka kulankiisa 149-aad oo lagu qabtay Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland. Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Golaha urur ay ku mideysanyihiin xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka,waxaana sidoo kale shirka looga dooday Barnaamijyada horumarineed ee ay Baarlamaanadda sameeyaan. Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa aad uga dooday horumarinta iyo isku dubaridka howlaha golaha ay ku mideysanyihiin Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka. Shirka ayaa lagu soo bandhigay sida looga faa'ideysan karo Garaadka Macmalka ah ( Artificiall intelligence ) AI.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip