Lixdan iyo saddex kun oo goobood oo doorashada dalka Tanzania ay maanta ka socoto (Daawo Sawirada)

0
Sunday October 25, 2015 - 18:28:43 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lixdan iyo saddex kun oo goobood oo doorashada dalka Tanzania ay maanta ka socoto (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Xafiiska Shaqada ka tegaaya ee Jakaya Kikwete, ayaan doorashadan u tartami doonin, maxaa yeelay waxa uu horey ugu soo tartamay laba goor, oo Xafiiska uu soo joogay. Waana labada jeer ee loo ogolyahay in Xafiiska uu u tartamo. Lixdan i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Xafiiska Shaqada ka tegaaya ee Jakaya Kikwete, ayaan doorashadan u tartami doonin, maxaa yeelay waxa uu horey ugu soo tartamay laba goor, oo Xafiiska uu soo joogay. Waana labada jeer ee loo ogolyahay in Xafiiska uu u tartamo. Lixdan iyo saddex kun (63,000) oo goobood, ayaa waxaa la dhigay sanduuqyada codadka, waxaana sanduuqiiba la ogol yahay inay ku codeyso 450 oo qof.

Shacabka reer Tanzania, ayaa maanta safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dhiiban lahaayen codadkooda, xilli ay dalkaasi ka dhaceyso doorasho guud. Doorashada Madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka.

Illaa sideed Musharax, ayaa u taagan jegada madaxtinimada dalkaasi. Xisbiga talada haaya ee CCM, ayaa waxaa la sii saadaaliyay in loolan adag uu kala kulmi doono Xisbiyada mucaaradka, oo isugu tagey Xisbiga CHADEMA.

Guddiga Doorashada, ayaa iclaamiyay in 23.5 milyan oo qof oo Tanzanian ah, ay maanta u kala codayn doonaan Xisbiyada ku hardamaya tartanka doorashada madaxtinimada iyo midda Baarlamaanka.

Sida uu qabo Dastuurka Tanzania, ayaa toddobaad gudahii lagu dhawaaqi doonnaa natiijada doorashada, laguna shaacinayo cidii ku soo baxday tartanka doorashada.

Waxaa si weyn loo adkeeyay gebi ahaanba ammaanka dalkaasi, iyadoo 80 kun oo askari la kala geeyay goobaha ay codbixintu ka soconeyso. Illaa iyo hadda codaynta ayaa u socoto sidii loogu talla-galay.

TanzaniaTanzania1Tanzania2Tanzania3Tanzania4Tanzania5Tanzania6Tanzania7Tanzania8Tanzania91





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip