Mas'uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta

0
Saturday August 03, 2024 - 23:10:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka xaaladaha dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido, isagoo booqday isbitaallada lagu dabiibayo dadka. Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido. Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Takhaatiirta iyo goobaha Caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Arxandaradda ee dhacay Liido, asigoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed. Dhanka kale dadka magaalada Muqdisho ayaa qeyb wayn ka ah u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada, waxaana badaha bulshada ka socota fariimaha ku aadan garab istaagga dadkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip