Golaha Amaanka ee QM oo walaac ka muujiyay Xiisada ka taagan bariga Dhexe

0
Thursday August 01, 2024 - 09:55:13 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Amaanka ee QM oo walaac ka muujiyay Xiisada ka taagan bariga Dhexe

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay. Madaxa Qaramada Mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay. Madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda taagan halis soo korortay. Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isnah ku tilmaamay fal argagaxiso. Shiinaha, Ruushka iyo Aljeeriya ayaa iyaguna cambaareeyay. Japan ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal dhan walba ah. Britain waxay ku boorisay xasillooni iyo is-xakameyn, iyadoo ku celisay baaq xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa. Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka ee saamaynta ku leh Iran "inay joojiyaan inay sii huriyana xaaladda qasan ee ka taagan bariga dhexe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip