HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-8-2024
Madaxweyne Xasan Sh. "Culimo Mideysan ayaa mideyn karta Ummadda”
Waxaa maalintii 3-aad galay Shirwe ynaha 2-aad ee Culimaa’udiinka Soo -maaliyeed oo ka socda haatanba magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah, waxaana Shirweynaha Culim ada ka qeyb galayaan Culimo Soom aaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda la gu saari doonaa midnimada iyo wadaj irka dadka Soomaaliyeed.
Waxaase xusid mudan Shirkii 1-aad ee Culimada Soomaaliyeed ee sanad kii hore ka dhacay Magaalada Muqdi sho, kaasi oo lagu bogaadiyay howgall ada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab , sidoo kale Culi mada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu yahay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid, waxaana lagu Iftooday in Al-shabaab ay yihiin Al-shabaab, isla markaana loogu yeero karo (Al-shabaab) oo qura, balse Shirweynahaan ee sana dkan waxaa ka qeybgalaya Culim -maa’udiin Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid, iyadoo ay sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soom aaliyeed, waxaana sanadkan Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe -deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culi mada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimadaa’udii nka ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta Argagixi sadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.
"Dowladdu waxa ay mas’uul ka ta hay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, Afka, midni mada iyo wadajirka, taasi oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, had daba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro kha taro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay Al-shabaabta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diin teenna suubban ee aynu ku midaysan nahay”, ayuu sheegay Madaxweynuhu Culuaa’udiinka Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay Madaxweynuh khilaafka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa yiri:- " Gacmo daahir ayaa wax daah irisa, marka waxaa loo baahan yahay in Culimo Mideysnaato, si ay u mideyn kar aan Ummadda Soomaaliyeed”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dib adba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqii jinta himilooyinka shacabka Soomaal iyeed oo ay ka mid tahay Argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaasi. Madax weynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ummadda iyo Culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeri da Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.
Haddaba maxaa laga yiri Shirkaasi iyo muhiimaddiisa, Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa faray in Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay galaan safka hore ee dagaalka oo ay hoggaamiyaan jih aadka dalka looga xoreynayo khawaa rijta, wuxuuna uuna sidoo kale ka ja waabaya dhaliilaha ay dadka qaar u jeedinayaan shacabka hubeysan ee dagaallada culus kula jira Al-shabaabta ayaa sheegay in taasi tahay qalad, wu xuuna intaa raaciyay in kooxaha na bad-diidka oo uu rabbi naga dul qaado ay tahay cibaado Alle loogu dhowaa nayo.
"Qofkii dhaha qabaa’ilka hubka qaa tay halaag ayaa ka soo socda, isagaa halaagsamay mar hore, Al-shabaab oo Alle naga dul qaado ayaa Rabbi ugu dhawaaneynaa, Culumada dalka joog ta waxaan leeyahay, safka hore gala oo jihaadka hoggaamiya.”, sidaasi wa xaa ku jawaabay Shiikh Usuuli, waxa uuna ugu dambeyn ku tilmaamay Cii danka Macawiisleyda in ay yihiin Ahlu janno, maaddaama ay qaateen dar daarankii Rasuulka CSW, wuxuuna ku celceliyay in loo midoobo dagaalka Al-shabaabta, isagoo ka hadlaayay qaabkii ay Diintu u fidday ayaa yiri Sheekh Usuuli:- "Manhajka Culumaa’u Suufiya ayaa Dadka Soomaaliyeed ka ilaaliyey inay Gaaloobaan,Ilmaheena Yurubna Manhajkaas ayaa Gaalnimad a ka ilaalin kara”.
Dhinaca kale Dr. Sheekh Cusmaan Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo ka mid ah Culimada ka qayb gashay shir ka weynaha Culimaa’udiinka Soomaa liyee ayaa isna sheegay in qilaafka uu yahay mid dhaca, isagoo Meesha ka saaray in mucaaradka Imaamku uu noqdo mid wax toosiya, Sheekha ayaa intaasi raaciyay in Rasuulku SCW uu saxaabadiis kula dardaarmay daacad iyo is-maqal iyo in aan dadka talada haya la khilaafin, wuxuuna xusay in madax iyo shacab ay waajib ku tahay difaaca iyo ilaalinta Diinteenna suub ban.
DR Cusmaan Macallin ayaa yiri:- ” Madax iyo shacab waxa waajib ku ah difaaca iyo ilaaalinta Diinteena.” Shee kh Cusmaan ayaa ugu dambeyn shee gay in aad la qilaafin Imaamka ama hoggaanka dalka, si aysan fidnadu u baahin, loogana hor iman dardaarankii Rasuulka SCW.
Waxaa kaloo isna aan ka soo qaa dan karnaa Sheekh Yuusuf Cali Cayn te oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago qilaafaadka Umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, lagana shaqeeyo masaalixda guud ee dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumi dda Ummadda Soomaaliyeed uu ya hay mid weyn, wuxuuna rajo ka muuj iyay in ay natiijo wanaagsan ka soo bi xi doonto.
By. C/lahi Ruush
Golaha Aqalka sare ee BFS oo shalay ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed
Sanatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feda raalka Soomaaliyeed ayaa cod aqalabi yad ah ku ansixiyay Hindise Sharciy eedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedka Xisaabiyayaa sha Soomaaliyeed oo maalmahaan ay ka doodayeen Xildhibaannada Aqalka sare ayaa waxaa golaha horkeentay Wasaaradda Maaliyadda XFS, kaas oo uu shalay ansixiyay golaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa: "Waad cibaadeysateen waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo,
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cab di Barre ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Da raawiishta Jubbaland ay ku cibaadeys teen dagaalkii dhowaan ka dhacay Buulo Xaaji oo lagu laayay Al-shabaab badan.
Ra’iisul Wasaaraha oo Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland kula hadlayay Buulo Xaaji ayaa intaa ku daray in dowladda Federaalku ay ka go’an tahay in Al-shabaabta dalka laga xorre eyo lagana tirtiro goobaha kooban ee ay ku garsan yihiin.
"Waad cibaadeysateen maxaa yee lay waxaad layseen kuwii uu suubanu hu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Al-shabaabtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaa yeen, Dowladda Federaalka Soomaa liya waxaa ka go’an in Al-shabaabta dal ka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.
Tayada iyo awoodda Ciidamada Soo maaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda ayuu sheegay in haatan uu aad u sarreeyo, wuxuuna bogaadiyay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaal iyeed ay u muujiyeen Ciidankooda geesiyaasha ah.
Wasiir Fiqi: Ethiopia waxay nagu diraysaa dalalka taageerada nasiiya, iyadoo ka gadaysa in aynaan wada hadal diyaar u ahayn
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Amba ssador Axmed Macallin Fiqi ayaa shee gay, dowladda Ethiopia inay isku dayayso inay iska horkeento Soomaal iya iyo dalalka deriska iyo kuwa kale ee taageerada siiya, si ay hoos ugu dhigto xiriirka kala dhaxeeya iyo garab istaaggooda Soomaaliya.
Wasiir Axmed Fiqi oo ay su'aallo weydiinayeen guddiga arrimaha dibad da ee Baarlamaanka, ayaa u sheegay, in Ethiopia ay u tagtay dalal badan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, isla markaasna ay kala hadashay in Soo maaliya aysan doonayn in ay kawada hadlaan khilaafka ka taagan heshiiska badda ee ay Somaliland ay la gashay.
"Waxay doonaysaa Ethiopia in Soo maaliya loo arko inay gardaran tahay oo ay wada hadalka diiddan tahay, kad dibna waddamaas inta ay dhex dhex aad noqdaan ay la laabtaan taagee radii ay siin lahaayeen Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in Ethiopia ay fara galin ba’an ku hayso Soo maaliya arrimaheeda gudaha. Wuxuu sheegay inay Ethiopia u wacanayso dowlad goboleedyada, ayna sidoo kale ciidamo ugu tababarayso xaduudaha dalka.
Fiqi wuxuu sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheega ya in Baasaboor ay leedahay Somalil and loogu safri karo waddamada kale, marka laga reebo dalka Ethiopia.
Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka ilaalinta naafada
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay xarunta golaha sha cabka,waxaana kulanka shir guddoo mineysay guddoomiye kuxieenka koo waad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xil dhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiiru dowla ha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dho waan xilkaasi loo magacaabay.
guddoomiyaha guddiga xuquuqul in saanka ee Golaha Shacabka Xildhi baan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaa nada u faahfaahisay warbixinta akhrin ta sedaxaad ee hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka oo laba akhrin oo hore soo maray.
Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka oo cod u qaaday hindise sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naa -fada Qaranka ayaa waxaa haa ku ogolaatay 135-Xildhibaan hal xildhib -aan ayaa diiday afar xildhibaanna waa ay ka aamustay sida ay sheegtay gud doomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo natiijada codeynta ku dhowaaqday.
Wasiirka wasaaradda arrimaha qoys ka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaa liya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildh ibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaa nadda golaha shacabka uga mahadce liyay ansixinta hindise sharciyeedkan.
Ugu dambeyn Xildhibaanadda gola ha shacabka ee baarlamaanka jamhuu riyadda federaalka soomaaliya ayaa shalay waxaa loo qeybiyay akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedkan xeerka shaqada Soomaaliya.
Dr Maxamed Diiriye "Culimada Soomaaliyeed waa in ay kaalin ka qaataan daminta colaad beeleedyada.”
Dr; Maxamed Diiriye Sabriye ayaa Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin muhiim ah ka qaa taan daminta colaad beeleedyada.
Dr; Maxamed Diiriye oo ka hadlayay shirka labaad ee Culimaa’udiinka Soo maaliyeed oo maalintii saddexaad ka socda Muqdiho ayaa intaa ku daray in si ay taasi u hirgashona ay dowladdu ballaariso adeegyada bulshada, sida Booliska iyo garsoorka.
Maxamed Diiriye Sabriye "Culimada Soomaaliyeed waa inay kaalin muhiim ah ka qaataan daminta colaad beeleed yada.”
Culimada ayuu si gaar ah u faray in ay sameeyaan wacyigelinjoogto ah ku na baxaan goobaha ay dagaalladu ka dhacaan, iyadoo ay dowladduna qaa danayso kaalinta ugu weyn deminta dagaallada dhex mara beelaha.
Hoggaamiyihii Garabka Siyaasadda Xamaas oo lagu dilay Tehran
HogaamiyahII dhanka Siyaasadda ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta Ismaaciil Haniya ayaa lagu lagu dilay Tehran, aroornimadi hore ee Arbacada ee shalay sida ay baahisay wakaala dda Wararka Iiraan.
Dhanka kale Bayaan isna kasoo ba xay Xamaas, ayaa lagu xaqiijiyay in Ismaaciil Haniyah lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaa lada Tahran ee Caasimadda Iiraan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arri maha dibadda Iran ayaa cambaa reeyay dilka hogaamiyaha Xamaas, isagoo intaa raaciyay in marnaba aan la ilaabi doonin dadaalkii uu u galay xoreynta dadka reer Falastiin.
Inta badan dowladaha dunida ayaa dhaleeceeyay dilka hoggaamiyaha ga rabka siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah,kaas oo ka dhacay Dalka Iran.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismaciil Haniyah ku tilmaant ay dil siyaasadeed oo aan gebi ahaan ba la aqbali karin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee dalkaasi.
Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay dilka hoggaamiyahaasi ee ka dhacay Tehraan, iyadoo Weerar ka dilka ku tilshalayy in looga gol lee yahay in lagu baahiyo dagaalka Qaza oo laga dhigo heer gobol.
Haniyeh ayaa 1962-kii ku dhashay xero qaxooti oo ku taala xeebta gal beed ee magaalada Gaza, ka dib mar kii waalidkiisa ay ka carareen gurig ooda oo u dhow halka hadda loo yaq aan Ashkelon intii uu socday dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.
Dilka Haniyah ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii saddex qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah la dilay, 74 kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ka geysatay Beirut.
Israa’iil ayaa ugu yaraan 39,400 oo qof ku dishay duulaanka Gaza , iyadoo ay ku dhaawacmeen 90,996 qof, ku waas oo u badan Caruur iyo haween.
Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka tacsiyeeyay geerida Ismaaciil Haniya
Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Muslimiinta Caalamka uga tacsiyeeyay geerida hoggaamiyahii garab-ka siyaa sadda Ururka Xamaas ee Falastiin, Ismaaciil Cabdul Salaam Axmed (Ismaaciil Haniya).
llaha u naxariistee Ismaaciil Haniya ayaa ku dhintay xalay duqeyn ay la beegsatay Isra’iil hoyga uu ka deg genaa magaalada Tehraan xilli uu kas oo laabtay caleema saarka madax weynaha cusub ee dalka Iiraan Masoud Pezeshkian.
Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay Ismaaciil Haniya in uu Alle Shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo.
Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanadda Xabiibo Baajuuni
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wa siir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaaf inta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaa radda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawl wadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehe ladii uu ka geeriyootay Allaha u naxarii stee Marxuumad Xabiibo Xuseen Baa juuni oo ka mid aheyd Fanaaniinta Qa ranka ee Hoballada Waaberi.
Allaha u naxariistee Marxuumad Xab iibo Xuseen Baajuuni waxa ay muddo dheer ka tirsaneyd Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo kaalin muuqata ka soo qaadatey wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya.
Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana wara abiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagtayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhagax-dhiggay mashaariic laga fulinayo degmada Jalalaqsi
Madaxweynaha Hirshabeelle Muda ne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeen ka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, xub no Baarlamaanka H/SH, Guddoomiya ha Gobalka Hiiraan, Saraakiisha Ciida mada Qalabka Sida iyo Guddoomi yaha degmada Jalalaqsi ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada.
MASHAARIICA LAGA HIRGELINAY O DEGMADA JALALAQSI:
Xarunta Maamulka Degmada
Saldhig Booliis
Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha
Maxkamadda Degmada
Dugsi Hoose, DHexe (Tardo)
Nalalka Cadceeda
Iskoolka Xanaannada Carruurta
Dayactirka Buundada
Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).
Sidoo kale Madaxweynaha maamul ka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdu -llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray Isbitaalka guud ee degmad a Jalalaqsi, garoonka diyaaraddaha iyo buundada, waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi.
"Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan, waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.”
Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer gobalka Hiiraan, waxana ay degmoni mo qaadatay sannadkii 1970-kii.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sucuudiga
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya Muda ne Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa dowladda Boqortoo yada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulra -hman Abdulmohsen AlFadley.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee laba -da dal, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Su -cuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso dhaqaalaha Buluugga ee dalkeenna gaar ahaan Kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalkeennu uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soo-saarka gudaha horseedna u noqon kara in dalkeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Kuwait oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay
Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kuwait, Dr. Ambassador Cabdull -ahi Maxamed Sheekh Cabdullahi ay -aa shalay oo Arbaca ah waxaa nuqul ka mida waraaqihiisa danjirenimo ka guddoomay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Cabdullaahi Al-yaxya.
Safiirka ayaa u gudbiyey madaxda dalka aanu walaalaha ee Kuwait fariint a salaam ah oo uu ka siday madaxda uga sareysa ee dalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, ra’isul-wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Intaa ka dib waxa ay labada dhinac ay is dhaafsadeen wada-hadalo mira dhal ah oo la xiriira soo dhaweyn, xoo jinta xiriirka labada dal oo dhinac bad- an leh.
Wasiirka isgaarsiinta oo la kulmay wasiir ku xigeenka Teknolojiyadda Shiinaha
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolo jiyada Xildhibaan Maxamed Aaden Ma calin (Soomaali) iyo wafdi uu hoggaa minayo oo safar shaqo u joogo Magaa lada Beijin ee wadanka Shiinaha ayaa la kulmay wasiir ku-xigeenka Wasaa radda Warshadaha iyo Teknoolojiyada Shiinaha Md. Zhang Yunming.
Kulan Doceedkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu soo qaaday xoojinta Xiriirka Iskaashigaan labada dhinac si gaar ah Isgaaraiinta iyo Teknoolojiya da.
Wasaaradda Isgaarsiinta waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii loo adkeenlahaa Xiriirka iyo Iskaashiga ay Wasaaraddu la leedahay Wadamada iyo Ururada bahwadaaga ay la tahay, waxaana la filayaa Safarka Wasiirka ku tagay in ay ka soo baxaan Qorshayaal waxtar u leh dalka.
Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay goobihii laga xoreeyay Al-shabaab
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA mudane Maxa muud Macallin Cabdulle, ayaa deegaa nka Buullo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose gargaar mucaawino ah ugu qey biyay 900 oo qoys oo ku nool degaan kaan kaas oo dhawaan Al-shabaabta la ga saaray.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in magaalo kasta oo cad owga laga dulqaado ay gaarsiinayaan gargaar deg-deg ah, shacabkana loo ga bahaanyahay in ay iska dulqaadaan nabadiidka u diidan adeegyadii aas-aa siga u ah nolasha aadanaha, lana sha qeyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.
Sheekh Xamdi "Marka Culumadu ay heshiiyaan, tafaraaruqa dhexdooda ay iska saaraan wax badan ayaa hagaagaya”
Sheekh Xamdi oo ka mid ah culuma da ka qeyb galeysa shirweynaha culu mada Soomaaliyeed ee shalay lab aad ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka shalay uu daa ran yahay midnimada iyo walaalnim ada ummadda Soomaaliyeed, isagoo dhanka kale, tilmaamay in Soomaalida ay wadaagaan cunsur kasta oo wax walaaleeya sida Diinta, Luqadda iyo dhaqanka intaba.
” Shirka guud ahaan wuxuuu ku saa bsan yahay midnimada umadda Soo maaliyeed, hadalkii madaxweynaha ee ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah, waxaa aad looga hadlay cannaasiirta wax walaaleeya in ay Soo maaliya wada leedahay, waxaan rabaa halkan in aan ummadda uga gudbiyay waa inaan xaqiiqo ku noolaano,
Dhanka kale, Sheekha ayaa soo ha dal qaaday in ay muhiim tahay in mark a hore culumada ay ka heshiisyaan ta faraaruqa dhexdooda si wax badan oo bulshada faa’ido u leh u hagaagaan, wuxuuna sidoo kale, Shacabka Soo maaliyeed ugu baaqay in ay la shaqee yaan Dowladda si looga guuleystay kooxaha Al-shabaabta ee caadeystay in ay si bareer ah oo micno la’aan ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaal iyeed.
"Marka Culimadu ay heshiiyaan, tafa raaruqa dhexdooda ay iska saaraan wax badan ayaa hagaagaya”, ayuu yiri Sheekh Xamdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay daah-fu ray Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qaba shada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaa nta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhis ka Soomaaliyeed.
Waa kuma hoggaamiyaha sare ee Xisbullah ee ay Israa'iil sheegtay in ay ku dishay Lubnaan?
Iyadoo ciidamada Israa’iil ay shaaciy -een in ay dileen hoggaamiyihii Xisbullah Fu’aad Shukri duqeyntii lala beegsaday duleedka koonfureed ee Beirut fiidnima dii Talaadada, ayaa ilo wareedyo ku dhow Xisbullah waxay u sheegeen waka aladda wararka Faransiiska in hoggaa miyihii caanka ahaa ee militariga xisbiga Fu’aad Shukr uu ka badbaaday weerar ka.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay si sax ah ugu weerareen xaafadda koonf ureed ee Beirut taliyihii mas’uulka ka ahaa dilka carruurta ee Majdal Shams, kuna dilay Israa’iiliyiin badan.
Axios oo soo xiganaya sarkaal Isra -a’iili ah ayaa sheegay in bartilmaameed ka Beirut uu ahaa Fu’aad Shukr, kaas oo mas’uul ka ah dhammaan howlgall ada militari ee Xisbullah.
Waa kuma Fu’aad Shukr?
Fu’aad Shukr waxa uu ku dhashay 1962-dii magaalada Nabi Sheet, ee Baalbek, waxaana lagu naaneesaa "Hajj Mohsen".
Fu’aad Shukr ayaa in ka badan 30 sano u shaqeynayay Xisbullah, lamana oga howlaha loo igmaday.
Waxaa jira xog tilmaamaysa in Shukr uu yahay taliyihii ugu horreeyay ee militariga xisbiga ee koonfurta Lubnaan.
Mid kale ayaa u arka Fu’aad Shukr inuu ahaa mid ka mid ah la-taliyayaasha sare ee Xoghayaha Guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah, wuxuuna sidoo kale aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee Xisbullah Imad Mughniyeh.
Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in Shukr uu bedelay Mustafa Badreddine, oo ahaa taliyihii militariga Xisbullah oo lagu dilay xaalado qarsoodi ah gudaha Suuriya sanadkii 2016-kii.
Sida laga soo xigtay mareegta Times of Israel, ciidamada Israa'iil waxay sheegeen sanado ka hor in Shukr "uu kormeero mashruuca gantaallada saxda ah ee Xisbullah." Warbaahinta Israel ayaa tilmaamaysa inuu yahay "Ninka labaad ee Xisbullah ugu saameynta badan".
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaal adda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Shukr "uu u adeego ururka ugu sarreeya ee Xisbullah ee Golaha Jihaadka, wuxuuna ka caawiyay dagaalyahannada Xisbullah iyo millatariga Suuriya ololaha millateri ee Xisbullah ee ka dhanka ah xoogagga mucaaradka Suuriya ee isla dalkaasi.
Mareykanka ayaa sheegay in uu door muhiim ah ka qaatay weerarkii lagu qaaday ciidamada Marines-ka Mareykanka sanadkii 1983-kii ee ka dhacay Beirut, kaasoo lagu dilay 241 askari oo Mareykan ah, laguna dhaawacay 128 kale.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa ku tilmaamay in uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.
"Malaayiin doollar wixii macluumaad ah"
Sannadkii 2017-kii, Maraykanku wuxuu abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollar u ballan qaaday ciddii keenta xog lagu soo xiro hoggaamiyaha sare Fu'aad Shukr, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay xilligaas sheegtay in abaal-marintu ay tahay "tallaabo kale oo lagu kordhinayo cadaadiska Xisbullah iyo madaxdeeda."
Sannadkii 2015-kii, Qasnadda Maraykanku waxay Shukr ugu magacawday "argagixiso gaar ah" sida uu dhigayo Amarka Fulinta ee 13582 ee u shaqaynta ama magaca Xisbullah.
Waxa kale oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ku magacawday 2019-kii inuu yahay "argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey” iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee 13224.
Ku magacaabistaas darteed, Fu’aad Shukr magaciisa waxaa lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka, taasoo ka dhigan in la xannibay dhammaan hantidiisa iyo danaha hantidiisa ee ku xiran xukunka Mareykanka, iyadoo ay sii dheer tahay in guud ahaan uu mamnuucayo dadka Mareykanka ah inay wax ganacsi ah la sameeyaan.
Waxaa xusid mudan in ciidamada Israa’iil ay sidoo kale u qoondeeyeen abaalmarin dhan 5 milyan oo doolar qofkii keena xog isaga ku saabsan, sida ay sheegeen warbaahinta Israa’iil.
Qarax miino oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab oo ka dhacay Galgaduud
deegaanka Gawaan oo ka mid ah dee gaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay qarax miino oo sababay dhmas hada iyo dhaawaca dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay qaraxaan miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso waxaa ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kadib markii ay la qaraxday miinadaan oo ku aasneyd wadada.
Qofka shacabka ee qaraxa miinada ah ku geeriyooday oo ah wiil dhalinyaro ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Aways Cali Guure oo loo yaqinay Butugeey, waxaana qofka kale ku dhaawacmay qaraxaasi dhaawaciisa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Ceeldheer.
Saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda degmada Ceeldheer ayaa warbaahinta u sheegay in Miinadaas ay wadada ku aaseen Al-Shabaab si ay ugu dhibaateeyaan Shacabka iyo ciidamada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan qaraxyada miino ee kooxda Al-shabaab ku aasto wadooyinka dad shacab ah oo aan waxba galabsan,
Ethiopia oo sheegtay in Alshabaab ay halis weyn ku tahay amniga dalkooda
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in kooxda Alshabaab ay weli halis weyn ku tahay ammaanka iyo xasiloonda dalkee da iyo guud ahaan Geeska Afrika, iya doo sheegtay in ciidamadeeda amniga ay ku jiraan xaalad feejigaan ah, si ay uga hortagaan Alshabaab.
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Di badda Ethiopia, Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ku su gan dhulka xuduudaha iyo ciidamada qeybta ka ka ah ah howlgalka ATMIS ay si dhow ula socodaan dhaqdhaqaaqya da Shabaabka.
Nebiyu Tedla ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka inay hoos u dhigeen halista kaga imaan karta Alshabaab, hase ahaatee wuxuu sheegay in mar walba Alshabaab ay tahay khatar halis ku ah amniga dalkooda.
Wuxuu sheegay dowladdiisa inay ka go’an tahay inay iskaashi dhinaca ammaanka ah la yeelayo dalalka deriska la ah, si loo yareeyo halista Alshabaab ay ku hayso amniga Geeska Afrika.
Hadalka afhayeenka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa kusoo beegmay, iyadoo Itoobiya ay ciidamo aad u fara badan soo dhigtay xaduudaha iyo qeyb kamid ah gobolada dhexe ee dalka, taasoo ay ku micnaysay inay qeyb ka tahay sugidda amniga ciidamadooda oo dhawaan ka baxaya Soomaaliya.
HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-8-2024
.