Halkan ka akhriso wararka wargeyska mogtimes

0
Sunday July 28, 2024 - 22:17:25 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka akhriso wararka wargeyska mogtimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra” iisulwasaaraha XFS oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada

Ra’isul Wasaraha Xukumada Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, aya magacabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda…JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dasturiga ah e ku xusan qodobda 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Mada-xweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan:

1. Mudane Gen.Bashiir Maxamed Jamac (Bashiir Goobe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuququl Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyen lagu samen doono.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Mamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isagoo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama Degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.

Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cusmaan Muriidi Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha Xaruntu qayb weyn ka qaadan doono u adeegida bulshada oo dadwenaha adeega u yimada xarunta degmadu heli doonaan adeeg dhamaystiran.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjog ka ahaa Guddoomiye Kuxigenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federalka Somalia, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaas-imeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne.

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweyey qararka uu shalay ansixiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay inay tani ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Türkiye.

"Turkiga iyo Somaliy kama shaqeynayan oo keliya xasilinta biyaha xebaha Somalia, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argag-ixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur.

Maraakiibta Ciidanka Turkiga ayaa la filaya inay so gaaran Xeebaha Soomaaliya, kuwasi oo joogi doona mudo laba sano ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayey Qorshaha Isbeddelka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuu-mada Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa gudoomiyey shir looga hadlayey Hanaanka Qorista Qorshaha Isbeddelka Qaran iyo Muhiimadda uu u leeyahay Xukuumadda.

Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo Xukuumadda DanQaran ka caawinaya in ay gaarto hadaf-yadeda sare e hormarined ee lagu hagayo horumarinta dalka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarineyso dalka, iyada oo adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbedelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino la xiriira dardargelinta Guddi hoosaadyadda heer Farsame iyo heer Wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.

Shir ku saabsan horumarinta garoonka Aaden Cadde oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda maare-eyaha garoonka, maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha, waaxda cansh-uuraha ee wasaaradda maaliyadda, taliye-yaasha Booliiska iyo kan Nabadsugidda garoonka Aadan Cabdulle, ururka madaxa banaan ee adeegga diyaaradaha, UNSOS, UNHAS, shirkadda Favori iyo shirkadda Sahal.

Shirkan inta uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnamijka amniga garonka kaasi oo qeexaya habka loo maamulayo amniga garoonka. Waajibaadka hay’adda Garoonka iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen howlaha amniga si uu garoonka ula jaanqaado garoomada caalamiga ah ee dhiggiisa.

Barnaamijkani shalay la soo bandhigay ayaa waafaqsan shuruucda Caalamiga ah ee xeerarka duulista Rayidka iyo xeerarka duulista Rayidka ah Soomaaliya.

Maareeyaha garoonka Aadan Cabdulle mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi oo soo xiray shirka amniga garoonka Aadan Cabdulle ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay billaaban doonto sidii looga shaqeyn lahaa fulinta barnaamijka amniga Garonka iyado ay hormuud ka noqonayaan hay’adaha Amniga sida Booliiska iyo nabadsugidda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Xukumada Federaalka Soomaaliya mudane xildhiban Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa shalay daahfuray Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta…Dalka.

Madashaan ayaa waxaa ka soo qayb galey Mlmarti kala duwan oo ay ugu hore-eyaan, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mamulka Kumeelgaarka ah ee SSC-Khaatumo, Ergayga gaarka ah ee Xasillinta u qaabilsan madaxwaynaha JFS, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo mas’ul-iyiin kale oo heerarka Dowladda ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta Goobaha Al-shabab laga xoreyay wuxuna sheegay inay ka socto hawl baxad leh oo u baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo mira dhalkeeda.

Madashan ayaa ah iskuduwida arrimaha xasilinta dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi laha Kulan waynaha iskuduwidda xasilinta dalka.

Wasiir Cali-Xoosh: oo bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta XFS mudane xildhiban Xil- Cali Yuusuf Cali – Xoosh oo khudbad ka jeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka aya ka hadlay sida Dowlada Soomaaliya ay hortabin u siiso howlaha Xasillinta ee laga fulinayo deeganada laga xoreyey….Al-shabaab.

Wasiir Cali – Xoosh ayaa ugu horayn bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in dhamaan loo midoobo sidii looga wada shaqen laha xasillinta "Gobaha Al-shabaab laga xoreeyay waxaa ka socda hawl baaxad leh oo baahan midnimo iyo in laga wada shaqeyo in dalladasi ay miradhalan”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahey adkaynta iyo xoojinta wadashaqaynta xasilinta ❞



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip