Ingiriiska oo dib u bilaabaya kaalmada ku socota dadka Falastiin

0
Friday July 19, 2024 - 21:48:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska oo dib u bilaabaya kaalmada ku socota dadka Falastiin

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska David Lammy ayaa u sheegay baarlamaanka inuu ku kalsoon yahay in hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ay qaadday tallaabooyin ay ku hubinayso heerarka ugu sarreeya ee dhexdhexaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska David Lammy ayaa u sheegay baarlamaanka inuu ku kalsoon yahay in hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ay qaadday tallaabooyin ay ku hubinayso heerarka ugu sarreeya ee dhexdhexaadnimada. Wasiirka ayaa wuxuu xaqiijiyay in dowladda Ingiriiska ay siin doonto hey'adda garghaarka Falastiin ee Qaramada Midoobay (UNRWA) 21 milyan oo ginni oo u dhigma ($27m). Hadaladaan ayaa imaanayaxilli ay weli soo socdaan duqeymaha Israel ee Gaza,iyadoo weeraradii ugu dambeeyay lagu dilay15 ruux oo ku sugnaa dugsiyo ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yaalla Gaza,gaar ahaan laba kaam oo ay ku jireen dad barakacayaal ah. Dhinaca kale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Magalada Tel Aviv,waxaana maamulka Israel ay ku goodiyeen in ay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah. Milateriga Israa'iil ayaa rumeysan in diyaaradda Droniska ah ay ka soo duushay Yemen,iyagoo sheegay in nuuca diyaaraddaasi ay ahayd mid la hagaajiyay oo ah diyaaradda Samad-3 ee ay Iiraan nashqadeysay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip