Cali Guudlaawe "Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga"

0
Friday July 19, 2024 - 21:44:59 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guudlaawe "Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga"

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo maanta la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo. Madaxweynaha ayaa yiri "dalku m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo maanta la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo. Madaxweynaha ayaa yiri "dalku ma hormaraayo ,dadkuna nabad kuma seexanayo haddii aan la qaban cid kasta oo dooneysa in ay danahooda ka hormariyaan danta guud. Cali Guudlaawe ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Hirshabeelle ay ka go'an tahay wax u qabashada bulshada Degmada ,isagoo dhinaca kalena dalbaday in laga dhowrsado daadinta dhiigga dadka walaalaha ah. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe waxa uu u mahadceliyay mas'uuliyiintii ka shaqeeyay daminta colaad dhowaan ka dhacday deegaano kulaala degmadaasi,wuxuuna si gaar ah u codsaday in dadku ay is gacanqabtaan oo ay ku wada noolaadaan walaalnimo iyo derisnimo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip