Ra'iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka

0
Monday July 15, 2024 - 12:01:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay. Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri"Canshuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed 70% waxaa lagu bixiyaa amniga dalkeenna". Wasiirka ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay dalka uu sameeyay kobac dhaqaale,balsa aya wax badan dhimanyihiin. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto,iyadoo taa laga duulayana ay Xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho. "Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho waxa ay xaq u leeyihiin in cashuurta laga qaado wax loogu qabto, annaga oo taas ka duuleyna ayay Xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho"ayuu yiri wasiir Biixi limaan Cige Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyada XFS oo ka warbixiyay soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda ee (2013-2023) ayaa sheegay in warbixintaan ay soo kobeeyso mudda 10-sano ah waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii jiray sida looga gudbi karo,waxa u intaa ku daray in mudaa waxa badan laga qabtay habka maamulka maaliyadda ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip