Wasiirka Kalluumeysiga XFS" Dagaal xoog leh ayaa ku qaadnay kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee baddeenna ka socday"

0
Saturday July 13, 2024 - 23:54:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Kalluumeysiga XFS" Dagaal xoog leh ayaa ku qaadnay kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee baddeenna ka socday"

    Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka ku sheegay in ay Dowladda Federaalku qaaday dagaal xoog leh oo ka dhan ah kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee badeenna k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka ku sheegay in ay Dowladda Federaalku qaaday dagaal xoog leh oo ka dhan ah kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee badeenna ka socday. Wuxuu hoosta ka xariiqay wasiirku, in Dowlado badan laga saaray Baddeena, qaarna hadda lagu talo jiro, maadaama ay ku xad gudbeen nidaamka kalluumeysiga baddaha. " Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto, waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin, meesha laga leeyahay, inta ay yihiin iyo meesha ay u socdaan, taas oo sahashay in cidii aan ku dhaho markabkaada Baddeenu ayuu ku jiraa haddii aysan noo bareerin kala baxdo ama ay sharci na weydiistaan ama aan ku dacweyno oo ay ciqaab iyo cambaareyn kala kulanto, marka hadda Dowladda waxay awood u leedahay in ay koontaroosho Baddeeda," ayuu yiri wasiirka. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda awood buuxda u leh in ay maamusho Baddeeda, waxaanna meesha laga saaray kalluumeysi sharci-daro ah oo muddo badan ka socday Baddeena.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip