Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

0
Saturday July 13, 2024 - 23:47:54 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-mee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia, Talaadadii 9-kii bishan July 2024. Kulanka ducada ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Aamin Sheekh, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Cali Axmed Jaamac Jangali, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, mas'uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ku jireen kuwo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ehellada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay'adaha Dawladda. Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay taariikhda Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud oo muddo 39 sanno ah u adeegayay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaan Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad),Cali Jangali, Cabdullaahi Qaloocow iyo mas'uuliyiin kale oo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ku sifeeyeen adeegge dhab ah oo qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed si howlkarnimo leh ugu soo shaqeeyay. Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku hadlay afka Qoyska Marxuum wasiir hore Maxamed Cali Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ka soo qaybgalayaasha isku imaatinkooda ducada iyo tacsida. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa tacsi u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Qoyska Marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii ka sheegay munaasabadda ducada iyo tacsida ah inay waqti murago leh u tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo markaa uga tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo guud ahaan qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii dawladeed ee muddada ugu dheer xilal ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u leedahay sooyaal lagu dhigo xuska, xasuusta iyo tacsida mas'uuliyiinta ka geeriyoota. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuum Maxamed Cali Xaamud ee ku sugnaa munaasabadda tacsida iyo ducada ah, isagoo markaa la wadaagay dareenkiisa tacsida.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip