HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 2-7-2024

0
Tuesday July 02, 2024 - 08:15:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 2-7-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Qeyb-Galay Dhoolla-Tuska Ciidanka Qalabka Ee 1-Da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaali yeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wada jirkooda, xajistaana dhaxalka awoowey aashood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii Soomaa liyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya.

Dabbaal degga munaasabaddan wax aa ka qeyb galay diyaaradaha qumaati ka u kaco ee Ciidamada Cirka, dabaab adaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciida nka Xoogga Dalka, iyo Booliska, kuwa as oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo goban imada dalkeenna.

RW Xamse oo booqday Qoyska Marxuum Prof. Jawaari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan.

"Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaran ka iyo ummadda Soomaaliyeed dham maanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaa liya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

a’iisul Wasaaraha ayaa qoyska mar xuumka la wadaagay in dadka Sooma aliyeed oo dhan ay si siman u daree meen geerida marxuumka, taas oo muujinaysa kaalintii uu ugu fadhiyey intii uu noolaa Prof. Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Wax wada-hadal ah oo aan la furnay alshabaab ma jirto waa been”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay alshabaab, wax ka dhaxeeyana aysan jirin.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaa sabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xa lay lagu qabtay Muqdisho ayaa shee gay in dowladda iyo khawaarijtu aysan yeelan wax wada hadal ah, wuxuuna dadka Soomaaliyeed faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan.

Madaxweyne Xasan Shekh: ”Wax wad a-hadal ah oo aan la furnay Khawaari jta ma jirto waa been, dadka Soomaali yeed waxaan rabaa walaahoowgaas in ay aad iyo aad uga baxaan”.

Hadalka madaxweynaha ayaa iman aya xilli maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay in uu jiro qorshe ku aad dan wada hadallo lala furo alshabaab, taas oo uu madaxweynuhu ku sheegay wax aan jirin oo aan sal iyo raad lahayn, isag oo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadlaan alshabaab.

Saraakiil Tababar ku qaadanaya Turkiga oo u dabaal degay 1-da Luuliyo

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dal ka Soomaaliyeed oo tababar ku qaada naya wadanka Turkiga ayaa u daba aldegay xuska munaasabada 1-da Luu liyo oo ku asteysan 64-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay Gobalada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay midoobeen Koonfur iyo Waqooyi.

Saaraakiisha oo la hadlay Warbaah inta dowladda ayaa sheegay inay u taaganyihiin sidii ay naftooda iyo dhiigo oda ugu huri lahaayeen difaaca Dalko oda iyo badbaadinta Shacabka Soo maaliyeed, iyagoo guud ahaan umma da Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee koowda Luuliyo.

Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Safiirkadowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuu madda Federaalka Soomaaliya Mudan e Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil-Far taag, ayaa la kulmay Danjiraha Dowlad da Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane, Pier Mario Daccò Coppi.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka lagula jiro alshabaab iyo sidii loo sii labo jibbaari lahaa taage erada ay dowladda Talyaanigu siiso Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku day aya in ay afka ku dumiyaan dowladn imada Soomaaliya.

Madaxweynaha "kama cabsanayno kuwa isku dayaya inay afka ku dumina yaan Dowlanimada, ee horseed ayaan u noqonaynaa in bulshada ay naga helaan waxay rabaan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaa sabad lagu xusayay 64 guuradii kasoo wareegatay maalinta Xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol oo shalay lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay horseed noqona ynaan ka dowlad ahaan in bulshada ay helaan waxa ay doonayaan.

Qudbadda Madaxweynaha oo dhina cyo badan taabanaysay ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dowlad wanaagga iyo sida ay beesha caalam ka ula dhacsan tahay horumarrada la gaaray.

Wuxuu madaxweynuhu ka digay in aan lagu kadsoomin kuwa sawirrada qaldan ka bixinaya horumarrada la taaban karo ee ay gaadhay dowladdu, wuxuuna sheegay inaanan layska indha tiri karin guulaha is-daba joogga ah ee lagu tallaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, haatanna uu rajeynayo in horay loogu socdo.

Madaxweynaha Jubland oo ka digay qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay qorsh aha ciidamada ATMIS ay Soomaaliya uga baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha iyo jadwalka ciidamada ATMIS ay uga baxayaan dalka, islam arkaana ciidanka xoogga dalka kula wareegayaan goobaha ay ka baxa yaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay iney u muuqato diyaar garow la’aan dhanka dowlada iyo ciid anka Soomaaliya oo la xariirta sidii ATMIS ugala wareegi lahayeen amn iga dalka, isagoona xusay in qorshaha bixista ATMIS uu yahay tijaabo dowladda laga qaadayo.

"Arrintan waa ay jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin ma ayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan, anaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo, fashilka ka yimaadaa waa mid Xukuumadda taa banaya iyo ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Warka ka soo baxay Madaxweynaha Jubland ayaa ku soo aadaya , xilli maalmo ka hor ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole ee gobo lka Jubbada Hoose, kaasoo lagu wareejiyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishata Jubbaland

Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga

Waxaa iska soo daba dhacaya hamba lyada ku aaddan xuska munaas abadda 1-da luulyo oo ku beegan san nad guuradii 64-aad ee kasoo waree gtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaa niga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.

Halkaan waxaan idinkula wadaageyna qaar ka mid ah hambalyadii ka timid dowladaha Carabta

Qatar

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan She ekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo bar waaqo.

Bahrain

Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wada agay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasab adda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Cummaan

Suldaanka Cummaan, Suldaan Haith am bin Tariq ayaa ka mid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed.

Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labad iisa kuxigeen ee Maxamed bin Raa shid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soo maaliya munaasabadda kowada Luul yo iyo sannad guuradii 64-aad ee kas oo wareegtay markii Soomaalidu yeela tay dowlad madax bannaan.

Yemen

Madaxa Golaha Sare ee dalka Yemen Rashaad Maxamed Calami ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda carbeed ee madaxweynaha Soomaaliya lasoo wadaagay hambalyada munaasaba dda qaran ee kowada Luulyo.

Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; " Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya mag aciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuuma dda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo”.

Kuwait

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

Sacuudi Carabiya

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqor tooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdi casiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed

Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed xoroobeen lana mid oobeen goballada Waqooyi.

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay Shan sa no oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsanaa guutada Cali binu Abii Daalib ka dib markii uu si bareer ah xabbad Afka uga dhuftay taliyahiisa 11-kii Janaayo ee sanadkan.

Eedeysanaha la xukumay oo xilligii uu falka geysanayay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla degmada Guriceel halkaas oo uu ka baxsaday isagoo si dhuumaalaysi ah ku joogay Tambeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa baadi goob dheer kadib gacanta kusoo dhigay eedeysanaha 14-kii April ee sanadkan xilli uu ku sugnaa xeebta Liido ee gobolka Banaadir.

Kiiska eedeysanaha oo heerar kala duwan soo maray ayay Maxkamaddu ugu dambayn shalay ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Shan sano oo xabsi Ciidan ah, magta dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha, iyadoo laga saaray xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xubin ka tirsan Alshabaab oo la qabtay

Ciidanka Xogga dalka ayaa gacanta ku dhigay Xubin ka Tirsan Alshabaab .

Xubinta la qabtay ayaa lagu magaxaabaa Mcagiisu waa Cabdullahi Macalin Cusmaan waxa uu mudda Laba sano ah ka tirsanaa Alshabaab Buur dhuubo ayuu kaga biiray waxa uuna ka qayb galay dagaalo dhowr ah oo lagu jebiyay maleeshiyada.

Waxa uu ka tirsanaa jabhada, marka uu u adkeysa waayay culeys iyo Baahiyaha ka Jira gudaha Alshabaab waxa uu qorsheystay inuu isaga tago dhexdooda.

Mudda todobaad ah ayuu ku jiray howdka u dhexeya ceel-garas oo galgaduud ka Tirsan iyo deeganka Nuur dugle oo shabelaha dhexe ka tirsan ciidankuna ay ku qabteen Alshabaab .

Soomaaliland oo ka Walaacsan Wada hadalada Soomaaliya & Itoobiya

Xilli magaalada Ankara ee dalka Turkiga wada hadalo aan toos ahayn ay ku yeesheen wafdi uu hugaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaalia iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, wada hadalaas ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga, loogana arrinsanayay xal u raadinta khilaafkii ka dhashay heshiiskii is afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, ayaa waxaa walaac arrinkaasi ku saabsan war ka soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Somaliland ayaa u qornaa sidaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka Türkiga iyo Somaliland.

Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta Somaliland iyo Türkiga.

Israa’iil oo xorriyadiisa u soo celisay madaxa isbitaalka Al-Shifa ee Qasa

Israa’iil ayaa sii deeysay madaxa isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, Dr Mohammed Abu Salmiya I oo muddo 7 bilood oo xabsiga ay ku haysay,.

Mas’uulkan ayaa soo bandhigay tacadi badan oo xabsiyada Israa’iil loogu geysto Falastiiniyiinta, wuxuu xaqiijiyay daryeel xumo inay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee la xiray ugu dhinteen xabsiyada Israa’iil, halka maxaabiista nool ay aflagaado, jirdil iyo biyo la’aan kala kulmaan xabsiyada.

Israa’iil ayaa markii ay xiraysay Dr Maxamed , waxay ku eedeysay inuu maamullo isbitaal ay u adeegsadaan Xamaas saldhig iyo xafiisyada hoggaanka, balse bilooyin ay burburin iyo baaritaan ka wadeen ma jirin wax caddeynaya inay isbitaalka adeegsadaan Xamaas oo ay soo bandhigeen.

Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya oo wada hadal aan toos ahayn yeeshay

Wasiirka arimaha dibada Dowladda Turkey ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay sii wadaan wada-hadallada ka dhacay Ankara ee wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin.aysan

Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa sheegay in wada-hadallada aysan aheyn fool ka fool balse labada dhinac ay si kala gooni gooni ah u fadhiyeen oo loo kala dab qaadayey

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika.




Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo xasaanad siisay Donald Trump.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniitnii shalay soo saartay xakun xasaa nad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taa soo ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageeray aashiisa ku weerareen xarunta Coonga reeska horraanti sannadki 2021-ki.

Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashad i looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Was hington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Nove mebr.

Xakunka Maxkamadda Sare ayaa wa xaa aqbalay 6 garsoore, halka ay sad dex kasoo horjeesatay. Waxa uu laal ayaa go’aanki maxkamadda hoose ee la gu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha fede raalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.

Maxkamadda Sare ayaa 9-ka garsoore eel eh awoodda ugu sarreysa ay 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada ga arka u ah.

Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dh igan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Marey kanka Donald Trump.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yiri "GUUL WEYN”

Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamad da sare ee Mareykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xaku nnada Mareykanka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xiriira ficilladiisii ka dib door ashadii 2020-ka.

Donald Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

Isha : VOA Somalia

Duuliye isaga oo hawada ku jira geeriyooday iyo wixii dhacay geeridiisa kadib

Qofna ma oga waxa dhici doona berri iyo wakhtiga dhowba. Diyaaradda NE1 30 oo ka soo duushay Qaahira kuna sii jeedday magaalada Taif ee dalka Sucuu diga ayaa si caadi ah u socotay, iyadoo jawigu uu ahaa mid caadi ah, isla mar kaana shaqaalaha diyaaraddu ay si caa di ah u dhex socdeen rakaabka, qaarna ay codsanayeen wax ay cabbaan, ama wax ay cunaan, ama mid ka mid ah ra kaabka oo raadinaya suuliga iyo waxyaa baha kale ee caadiga ah ee rakaabku ay sameeyaan.

Waxyar kadib, rakaabkii ayaa bilaabay inay dhegaystaan kaaliyaha duuliyaha oo isticmaalaya cod-baahiyaha, isagoo u sheegay in diyaaraddu ay si degdeg ah ugu degi doonto garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz ee magaalada Jiddah, sababo la xiriira "walaalkii iyo saaxiibkii", oo ah kabtankii Masaariga ahaa ee Has san Youssef Adas, oo geeriyooday.

Wuxuu ku soo gunaanaday khudbadii uu u jeedinayay rakaabka aayad qur’aan ah oo uu yiri: "Ma jirto naf og waxa ay berri to kasban doonto, nafna ma oga dhulkay ku dhimanayso”.

Shabakadda X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa lagu baahiyay muuqaal uu soo duubay nin musaafir ah oo ka war bixinaya xaaladda, waxaana codka dad ka rakaabka ah laga maqlayay muuqaal kan oo ay Ilaahay uga baryayeen naxarii stiisa.

Gobol kamid ah Canada oo Soomaalida siiyay todobaad u gooni ah oo ay xus aan dhaqankooda

Qoraallada iyo faallooyinka lagu soo qorayay barta X ayaa intooda badan- si weyn ugu damqaday kaaliyaha duuliy aha ee uu saaxiibkii geeriyooday, waxay na diiradda saareen aayadda Qur’aanka ah ee uu u akhrinayay rakaabka, iyo dar eenka murugada leh ee ay codkiisa ka dareemeen, isagoo xaaladda ku sifee yay "daqiiqado taabanaya", kuna amaa naya kartidiisa uu ku xakameeyay nafti isa iyo dareenkiisa murugo oo uu ku dha meystiray duulimaadka si uu rakaabka ugu geeyo si nabad ah.

Dadka qaar ee isla X isticmaala ayaa diiday hab-dhaqanka kaaliyaha duuliya ha ee sidaan oo kale ugu wargeliyay rakaabka dhacdadan naxdinta leh, waxayna yiraahdeen, "Waxaan u maleyn ayaa in duuliyahan lagu calaamadeyn doono calan cas oo ay kala jeedaan mid la diiddan yahay." Waxaa lagu muujiyay faallooyinka in marka ay la kulmaan dhi baato weyn, ay khatar keeni karto in rakaabka la ogeysiiyo iyo in kaaliyaha "uusan garaneyn xeerarka ugu fudud ee badbaadada duulista," halka dadka ugu badan ay sheegeen in kaaliyuhu uu saa meeyay ku dhawaaqis sax ah maada ama ay taasi keentay in la beddelo khad kii duulimaadka si looga fogaado cabsi iyo su’aalo dhexdooda ah.

Maxaa ka jira in dowladda Soomaaliya doonayso inay wadahal la gasho al-shab aab iyo xog arrintaasi ku saabsan

Dhanka kale hay’adda "Sada Aviation Platform”, ayaa barteeda X ku sheegtay hab-dhaqanka kaaliyaha duuliyaha inuu yahay mid qaldan, waxayna tiri: "Waxaa nu ogaanay inay tahay dhaqan aad u qaldan, maadaama ay cabsi iyo argagax ku abuuri karto rakaabka, waxayna no qon lahayd, in uu ku dhawaaqo leexinta dariiqa duulimaadka ayadoo sababtuna tahay xaalad degdeg ah oo gudaha diyaaradda ah iyada oo aan la sheegin waxa rasmiga ah ee dhacay.”

Mid ka mid ah dadka sida aadka ah u isticmaalaha baraha bulshada ayaa shaaciyay hadallo ah in duuliye Adas, uu dhintay isaga oo la tacaalaya xanuunka geeri dhowaan uu ku waayay walaalkii, taas oo muujinaysa in xaaladdiisa nafsi ga ahi aanay fiicnayn.

Mareegaha wararka ee Masar iyo Carab ta ayaa sheegay in duuliyaha uu u dhin tay "dhibaato dhanka caafimaadka ah”, halka qaar kalena ay sheegeen in uu ahaa wadno xanuun, halka ilo-wareedyo rasmi ah aysan shaacinin sababta dhimashadiisa, iyadoo shirkadda duuli maadka ee uu u shaqeynayay ay daaba cday qoraal tacsi ah.

"Mas'uuliyiinta duulista rayidka ayaa mas'uul ka ah xaqiijinta amniga duulista iyo ka ilaalinta dadweynaha khataraha la xiriira howlaha duulista," sida ay sheegt ay hay'adda duulista rayidka ee caalam iga ah (ICAO).

Duulimaadyada caalamiga ah ayaa qaa da in ka badan 2.5 bilyan oo rakaab ah iyo $5.3 trillion oo xamuul ah sanna dkii. Sababahaas iyo kuwa kale dartood, qors haheeda badbaadada duulista ee caalamiga ah waxa uu diiradda saaray saddex qaybood oo badqabka duulista: hagaajinta badqabka dhabbaha dayuura daha, dhimista tirada shilalka agagaarka dhabbaha dayuuradaha, iyo dhimista tirada shilalka ee xakamaynta xilliga duulista.

Tan saddexaad waxaa loo arkaa mid ka mid ah qaybaha shilalka khatarta sare leh, maadaama "shilalka ay sababeen duuliyayaasha ay yihiin sababta ugu ba dan ee shilalkan".



Cilmi baaris: Geed Soomaaliya ka baxa oo la ogaaday inuu wax ka taro la dagaallanka kansarka


Cilmi-baarista waxaa sameeyay Jaamacadda Gobolka Georgia iyo Machadka Georgia State’s Perimeter College Georgia ee Mareykanka, Jaamacadda Addis Ababa ee Itoobiya, iyo Xarunta Winship Cancer Center ee Jaamacadda Emory (US).

Tiro ka mid ah dhirta Itoobiya ayaa gacan ka geysan karta la dagaallanka kansarka, cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa sidaas soo jeedisay.

Paulos Yohannes, oo ah barafasoor dhanaka cilimiga kimistariga oo ka tirsan Kulliyada Perimeter ee Jaamacadda Gobolka Georgia hormuudna ka ah cilimi-aarista ayaa yiri "Waxaa jira dhir badan oo dawooyin ah oo ay isticmaali jireen dhakhaatiir dhaqameedyadu qarniyo badan."

"Waqtigan xaadirka ah, daraasadaha hordhaca ah waxay muujiyeen waxqabadyada ka hortagga kansarka ee dhirtan."

Waxaa jira laba waji oo muhiim u ah mashruuca, sida uu qabo Professor Binghe Wang oo ka mid cilime baarista.

"Hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan soo uruursannay”, Aabbe, hooyo, iyo gabadhooda oo ku dhintay qaraxii Beledweyne

"Marka hore waa in la qiimeeyo shaqada dhirta aan baarnay, waxaa jira Tijaabooyin dhawr ah oo aan samaynayno si aan u xaqiijino qaab-dhismeedkooda iyo waxtarkooda la dagaalanka unugyada kansarka,” ayuu yiri cilmi-baaraha.

Ilaa hadda, kooxdu waxay falanqeysay in ka badan 30 geed oo ka baxa Itoobiya waxayna ogaadeen in dhowr ka mid ah ay ku firfircoon yihiin unugyada kansarka ku dhaca ilmo galeenka.

Yohannes ayaa sheegay in shaqada ay wadaan Wang iyo kooxdiisa cilmi-baarayaasha iyo arday ay keeneen natiijooyin muhiim ah.

Dhirta waxaa u xil-saaran koox Itoobiyaan ah oo cilmi-baarista ka mid ah. Professor Ermias Dagne, oo hogaaminaya kooxda, ayaa ka shaqeynayay kimistariga dhirta in ka badan 45 sano.

Dhirata oo saafi ama ceyriin ah ayaa waxaa loo diraa Gobolka Joorjiya si loo tijaabiyo waxtarkooda la dagaalanka cudurada.

Tijaabooyinka cytotoxicity waxaa lagu sameeyaa unugyada HeLa (kansarka ilmo-galeenka) si loo go'aamiyo waxtarkooda. Tijaabada noocaan ah habka ugu badan ee baarista waxtarka daawada.

Kooxda cilmi-baaristu waxay baareysaa dhir badan oo uu ka mid yahay geedka loo yaqaano Commiphora sp. Nov, kaas oo ay Soomaalidu u taqaano geedka beeyada waa geed aad uga baxa Itoobiya iyo sidoo kale ka baxa qeybo ka mid ah Soomaaliya. Waa mid ka mid ah tobbannaan geed oo ah dhirta dawooyinka laga sameeyo.

Yohannes ayaa sheegay in afar ka mid ah dhirta baaritaanka lagu sameeyay ay muujiyeen in ay leeyihiin awood wax tar leh oo aan ahayn tan unugyada kansarka ilmo-galeenka, ay sidoo kale wax ka tari karto unugyada kale ee Kansarka. Waxa uu sheegay in cilmi-baarayaashu ay xuseen "dariiqyada dhimashada unugyada kansarka" iyo muunado badan oo kale iyagana weli ku socota baaris.

"Boqolkiiba siddeetan shacabka Itoobiya waxay isticmaalaan dawo dhaqameed si ay isaga daweeyaan xanuunada ku dhaca. Waan ognahay in dhirtani ay leeyihiin qaar ka mid ah qiyamka daawaynta,” Yohannes ayaa yiri. "Waxaa la igu dhiirigelinayaa in cilmi-baaristan ay soo saari doonto natiijooyin aan caadi ahayn oo dhiirigelin doona daraasad ballaaran."

Geedka Beeyada ee laga gurto fooxa waxa uu caan ku yahay oo uu aad ugu badan yahay gobolka Sanaag iyo gobolka Bari.

Dhirta inteeda badan ayaa waxay manaafacaad u leedahay aadanaha iyo deegaanka.

Waxaana jirta dhir badan oo Soomaaliya iyo geeskuba ka baxda oo dawooyin ama waxyaabaha la isku carfiyo laga sameeyo balse laga yayaabo inaysan dadka badankood aqoon u lahayn. Dhirtaas waxaa ka mid ah geedka malmalka iyo fooxa.


Dawlada Jabuuti oo ka hadashay Eedeeyn uga timid Madaxweynaha Soomaaliland


Dowlada Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku tilshalayy hadalkii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku sheegay in Jabuuti ay martigalinayso jabhad kasoo horjeeda Somaliland.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa qoraal kuu ku baahiyay bartiisa X hadalka Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid aan raadlahayn.

"Waxan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wadajirka iyo is dhexgalka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno” ayuu yiri Ilyaas Muuse Dawaale.

Waxa uu sheegay in Jabuuti ay waligeed ahaan doonto meel gobolka isku haysa oo aan kala qaybin, isla markaana anay waligood dhexgali doonin arrimaha guddaha ee jaarkooda.

"Sida darteed fadlad Jabuuti ha dhexgalinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC” ayuu yiri.

Xiriirka Somaliland iyo Jabuuti ayaa xumaaday kadib markii ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaaleen heshiis dhinaca badda ah, iyada oo ay Jabuuti heshiiskaas u aragtay khatar dhaqaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip