Madaxweyne Xasan Sheekh: "Wax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been"

0
Tuesday July 02, 2024 - 11:05:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh: "Wax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been"

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, wax ka dhaxeeyana aysan jirin. Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 1-da Luul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, wax ka dhaxeeyana aysan jirin. Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda iyo khawaarijtu aysan yeelan wax wada hadal ah, wuxuuna dadka Soomaaliyeed faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan. Madaxweyne Xasan Shekh: "Wax wada-hadal ah oo aan la furnay Khawaarijta ma jirto waa been, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa walaahoowgaas in ay aad iyo aad uga baxaan". Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay in uu jiro qorshe ku aaddan wada hadallo lala furo khawaarijta, taas oo uu madaxweynuhu ku sheegay wax aan jirin oo aan sal iyo raad lahayn, isag oo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadlaan khawaarijta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip