Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyadda 1-da luuliyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

0
Monday July 01, 2024 - 08:07:51 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyadda 1-da luuliyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

    Muqdisho 1,Luuly ,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho 1,Luuly ,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur. "Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa xornimada iyo midnimada dalkeena oo 64-sano ay kasoo wareegatay,waxaana maalmahan xorriyadda ay naga mudanyihiin inaan xusno maadaamaa ay ka turjumayaan qiimaha qarankeena Iyo midnimadeena" ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed midnimo si loo adkeeyo dowladnimadeena, waxaana uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya hada ay sameyneyso horumar dhinac walba ah muhiimna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan dowladooda. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa sheegay in dowladda ay horumar weyn ka sameysay dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta islamarkaana halgankaas uu soconayo ilaa inta dhulka Soomaaliyeed oo dhan uu ka noqonayo meel ka caagan argagixisada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip