HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 29-6-2024

0
Saturday June 29, 2024 - 10:56:22 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 29-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo geeriyooday

Waxaa goordhow Magaalada Muqdi sho ku geeriyooday Alle ha u Naxarii stee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in xanuun kusoo booday uu u geeriyooday Jawaari.

AUN Jawaari wuxuu sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shab eellaha Hoose wuxuu ka baxay jaamac adda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga sharciga , isaga oo ka ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya yeelatay laga soo bi laabo 1960-kii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ugu Hambalyeeyey Shacabka Iyo Dowladda Aan Walaalaha Nahay Ee Jabuuti Maalinta Xorriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hamba lyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyad da Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ah aan shacabka dalkaas, maalinta xoriy adda ee 27-ka Juun.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Jamhuuriy adda Jabuuti ku tallaabsatay tan iyo markii ay xornimada qaadatay, isagoo tilmaamay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

"Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Jabuuti sanadguurada 47-aad ee xorriyadda. Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay wadaagaan taariikh dheer, dhaqan iyo dhiig. Waxaan ku faaneynaa horumarka iyo midnimada ay gaareen walaalaheenna Jabuuti, waxaana u rajeyneynaa mustaqbal ifaya iyo hurumar waara.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriy adda ayaa xusay muhiimadda iskaashi ga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, isagoo uga mahadceliyey dowlad iyo shacabba doorka ay ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarla maanka Federaalka Soomaaliya, Mu dane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday shalay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeri yooday magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti ba dan usoo huray dowladnimada Soo maaliyeed muddo aad u badanna Qar anka usoo adeegay.

"Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun illaahey ha u naxariisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuum Maxa med Sheekh Cusmaan Jawaari uu Sha cabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

"Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ummada Soomaaliyeed dhex deeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naf tiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cus maan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dha mmaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xam sa ayaa sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu shalay ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshey Masuuliyiin kasoo jeedda Goboladda Waqooyi

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan Qado sha raf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobo lada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaa gay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ila alinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka Ummadda Soom aaliyeed.

Wasiir Fiqi "iyadoo lagu jiro maalmaha Xorriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya waa ayaan darro”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya,wuxuuna arrimahaasi ku tilmaamay xaalad aan la fileyn iyo ayaan darro”.

Wasiirka ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Somaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega Dalka Itoobiya.

"Dadla Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raaligelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed”ayuu tiri wasiir Fiqi

Wasiirka Arrimaha Dibadda CFS ayaa xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi,isagoo dhinaca kale Dadka Soomaaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo soo gunanadday imtixaanka dugsiyada sare

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuuro Mustaf Mukhtaar ayaa shalay oo Jimco ah soo gabagabeysay Imtixaanka fasalada dugsiyada sare ee Dalka.

Xaflad loo sameeyay xiritaankii intixaanka dugsiyada sare oo ka kala dhacay 69 xarumood oo dalka ah,waxaa shalay xafladdii xiritaanka goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday madaxda wasaaradda waxbarashada,kan Gobolka Banaadir iyo Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo kamid ahaa xubnihii ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan ardayda dooneysa in ay ku soo biiraan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

In ka badan 37 kun oo arday oo ka kala socda gobolada dalka ayaa sanadkaan ka qeybgashay intixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay madaxda gargaarka ee Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoo bay u qaabislan arrimaha gargaarka Soomaaliya Md.George Conway.

Kulankaasi ayaa looga hadlay adkeynta wada-shaqeynta labada xafiis iyo hormarinta adeegyada bani’aadannimo ee ay dhinacyadaasi u qabtaan sida wadajirka ah.

Labada mas’uul waxa ay isla-meel-dhigeen qodobbo muhiim ah, sida in la xoojiyo ama la mideeyo xogta arimaha bini’aadannimada, in la bilaabo cilmi baaris ku saleysan wax-ka-beddelka hannaanka gargaar gaarsiinta.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha iyo in SODMA ay goob joog ka ahaato miisaka ay kooxda Qaramada Midoobay & kuwa ka shaqeeya bani’aadannimada ay ku gorfeeynayaan xaaladaha ka jira dalka

Waxaa gabagabadii la isku raacay in hay’adaha SODMA & OACHA ay ka wada hadlaan isku-duwidda iyo nidaaminta kooxaha ay wada shaqeyntoodu muhiimka tahay (Clusters) iyo sidii loo tayayn lahaa Wasaaradaha DXDF ee ka shaqeeya arrimaha bani’aa dannimada si awood loogu yeesho ka hortagga iyo ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah iyo in sidoo kale kulama da nuucan ahi ay dhacaan bishii hal mar si loo wadaago qorshayaasha muhiimka u ah kaalmeynta.

Kulan dood cilmiyeed ah oo looga doodayey horumarinta wax soo saarka cuntada iyo calafka xoola ayaa lagu soo gaba gabeeyey Naivasha Kenya.

Kulankaan oo looga doodayey wax soo saarka cuntada iyo calafka xoolaha Soo maaliya ayaa waxaa soo wada qaban qaabiyey hay’adda AU-IBAR oo midow ga Afrika u qaabilsan cuntada iyo calaf ka xoolaha iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Kulankaan waxaa kasoo qayb galay Warbaahinta, shirkadaha ka shaqeeya Beeraha iyo xoolaha, bankiyada, cilmibaarayaasha, ururada haweenka ee ka shaqeeya arrimaha beeraha, xubno ka socday wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo xubno metelayey hay’adda AU-IBAR oo kulanka soo qaban qaabisay.

Kulankaan oo afar maalin socday ayaa waxaa laysku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa wax soo saarka Cuntada iyo Calafka xoolaha Soomaaliya, xubnaha ka socday AU-IBAR ayaa ka qayb galayaasha la wadaagay waxa ay kasoo barteen ilaa shan waddan oo loo qabtay kulankaan oo kale loona dhisay guddi ka shaqeeya arrimaha wax soo saarka cuntada iyo calafka xoolaha.

Kulankaan waxaa lagu aas aasay guddi ka shaqayn doona arrimaha wax soo saarka cuntada iyo calafka Xoolaha. Soomaaliya ayaan noqotay dalkii lixaad ee AU-IBAR ay u dhisaan guddigaan, waxaa hore loogu soo dhisay dalalka Kenya, Uganda, Zembabwe, Nigeria, iyo Camiroon.

Kulankaan oo magaalada Naivasha ka socday muddo afar maalin ah 24-27 June 2024 ayaa waxaa lagu diyaariyey waxyaabaha lagu hormarin karo wax soo saarka cuntada iyo calafka Soomaaliya si horumar looga gaaro mustaqbalka dhaw.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Bjfs oo hambalyo u diray u diray Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hambalyo ku aadan 47-sano guuradii kasoo waraagatay markii wadanka Jabuuti uu ka xorroobay gumeystihii Faransiiska u diray shacab ka aynu walaalaha nahay ee jamhuu riyadda Jabuuti iyo dowladooda.

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xorrnimada shalay ay ku naaloonayaan walaalaha Jabuuti ay usoo mareen dadaal badan iyo halgan dheer loona baahanyahay in ay ilaashadaan horumarka iyo dowladnimada ay shalay heystaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku amaanay horumarka ay heystaan iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka Geeska Afrika iyo kan gobolka.

Bishii Juun 27-keedii sanadkii 1977-dii ayay markii wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda uu xorrnimada ka qaatay dalka faransiiska oo xiligaas gumeysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyay barwaaqo iyo hormar dowladnimo oo kan kasii balaaran.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo magacaabay xil cusub

Raysal wasaaraha Xukuumadda Feda raalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wasiiru dowlaha Wasaaradda arri maha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga ah Cali Maxamed Cumar Cali Bal cad u magacaabay inuu noqdo u qeybsa naha arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ray sal wasaare Xamse ee lagu magacaa bay wasiir Cali Balcad ayaa ku taariiqe ysan 25-kii bishaan June, waxaana mag acaabistiisa ay kusoo beegmeysa, iyadoo Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee wareegtadaan laguma cadeyn in wasiir Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha Wasa aradda arrimaha Dibadda iyo in xilkaas laga qaaday.

Cali Balcad ayaa waqti dheer ahaa kusi maha Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, wuxuuna door weyn kasoo qaatay ku biirista Soomaa liya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Jubbaland oo faah faahin ka bixisay howlgallada ka socda degaannada Maamulkaas

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dow lad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuu suf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya xilligaan ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado howlgallaad, balse kaliya la dhihin Maamul hebel ayaa kujira.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaa b si looga dulqaado dadka Soomaaliyeed oo ay u diideen Waxbarashada iyo Caafimaadka.

" Aan dalkeenna iyo Dadkeenna Mideyno oo aan iska dulqaadno Al-Shabaab, hadii aan iskaashano oo maamul hebel ayaa kujira kaliya aanan ku ekaan waa ka guuleysaneynaa Al-Shabaab ayuu yiri” Wasiirka.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan ( Dhuumaal) ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay degaannada Jubbaland ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo degaano dhowr ah lagala wareegay.

Kulamo xal loogu raadinayo colaada Gobolka Mudug oo ka billaawday Magaalada Gaalkacyo

Kulan hordhac ah oo ay isugu yimiddeen masuuliyiin ka kala socday maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay kala ho gaaminayeen, Wasiirro kala socday la bada maamul kuwaas oo kala ah Wasii rka Waxbarashada & Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland, wasiirka amniga Galmudug iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Shirka waxaa iyaguna kaqeyb ka ahaa Xildhibaanno katirsan golaha wakiilada Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Duqa magaala da Gaalkacyo ee Galmudug.

Kulankaani oo ujeeddadiisu ahaa sidii loo joojin lahaa xal waarana looga gaari lahaa colaadda ka aloosan deegaan nada Galbeedka Gobolka Mudug iya doo shirka lagu go’aamiyey:-

In si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xab badda,

in labada maamul ay xaqiijiyaan sidii xabbad joojinta loo hirgelin lahaa.

In mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga malee shiyaadku isku hor fadhiyaan islamar kaana la kala raro.

In dib loo bilaabo wadahalladii islamark aana sida ugu dhakhsaha badan loo fid iyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga Wasiirada iyo Xildhi baannada ah ee ka kala socda Galmu dug iyo Puntland inay tagaan degaan nada ay dagaallada ka dhaceen ee Gal beedka Gobolka Mudug si ay u kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamay.

Dagaal dhex-maray Ciidamo katirsan ATMIS iyo Al-Shabaab

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degaanka Danow, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ay siweyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale waxaay sheegeen in Ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray, balse aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee inta badan ayaa weerarada noocaan oo kale ah uu ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS.

Xaaladda degaanka Danow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah mid degan, waxaana si caadi ah u Shaqeeynaya isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.

Mareykanka oo ku dhawaaqay kordhinta joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya

Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana.

Wuxuu taliya ha intaas ku daray ; "Wax aan sii waday na daawasha da tan , anna ga oo qiim eynaya waxa Daaciishta Soomaaliya ilaa hadda sameyneyso.”

Hadalkan, wuxuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan oo aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga, markaas lama soo bandhigay warbixin faahfaahin ka bixinaysa kulanka.

Mareykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan ku dhowaad 500 oo askari ayaa dhowaan sheegay inay aaminsanyihiin madaxa Daaciish ee Soomaaliya inuu noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda , taas oo ka dhigaysa goobta ugu muhiimsan ee kooxdan inay noqon karto Soomaaliya , laakin ma jiraan dagaalyahanno badan oo kooxdan ka jooga gudaha Soomaaliya , waxayna ku sugan yihiin dhul yar oo buuralay ah oo ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Tartanka doorashooyinka madaxtinimo oo shalay ka bilowday Iran

Dadka reer Iran ayaa shalay u dareetay codbixinta doorasdhada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota.

Xarumaha Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo (04:30GMT) waxayna xidhmi doonaan 6pm (14:30GMT),iyadoo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe.

Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof,waxaana ugu cadcad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya.

Labaduba waa muxaafid, inkastoo Ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag.

Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbadal doonka ee Iran, iyadoo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo.

Wasiiro katirsan dalka Maldives oo loo xiray inay Madsixreen axweynahooda

Booliiska dalka Maldives, ayaa xiray labo wasiir oo awood badnaa, muddo dheerna la shaqeynayay madaxweynaha Maldives, Maxamed Muizzu, iyagoo lagu eedeyay inay sixir madow ku sameeyeen madaxweynaha.

Shamnaz Saleem, oo ahayd wasiiru-dawlaha wasaaradda deegaanka, ninkee dii hore Adam Rameez, oo wasiir ka ahaa madaxtooyadda iyo laba qof oo kale ayay Booliiska xabsiga u taxaabeen, sababo la xiriira inay sixir ku haysteen madaxwey naha.

Labada Wasiir ee la xiray , waxaa loo arkayay shaqsiyaadka ugu dhow ee madaxweynaha , waxayna la shaqeyn ayeen oo ay jagooyin sare qabteen intii uu ahaa guddoomiyaha caasimadda Maldi ves ee Male.

Dawladda Itoobiya oo jawaab kulul siisey Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeys ay jawaab ka bixisay eedeyn dhawaan ay u gudbisay dowladda Soomaaliya Qaram ada Midoobay, taasoo la xariirtay in ciidamo Itoobiyaan ah si sharci daro ah u soo gudbeen dhulka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Nebyu Tedla ayaa eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ciidan Itoobiyaan ah sharci daro ugu gudbeen dhanka Soomaaliya ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

"Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadaln ay saraakiisha sa rsare ee ciidank eenna ee aaggaa si ku sugan” ayuu yiri afha yeenka Wasaa radda arr imaha Dibadda Itoobiya Nebyu Tedla.

Afhayeenka Nebyu Tedla ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in ciidamadu ahayeen kuwa ku howlana ka hortagista qataraha dhanka amniga ah ee dalkeeda soo food saari kara.

"Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday” ayuu yiri Afhayeen Nebyu Tedla

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bartamahii bishaan ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa afar kun oo askari si sharci daro ah uga soo talaabeen dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo tagay degmada Matabaan, hayeeshee saacado kadib dib uga laabtay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Furay Shirweynaha 8-aad ee Tamarta’Shidaalka iyo Macdanta

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaa ciil Saylici,ayaa shalay furay shirweynaha 8-aad ee Tamarta’macdanta iyo Shidaalka oo lagu qabtay Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland isla markaana ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda madaxda wasaaradda soo qaban qaabisay iyo daneeyeyaasha Macdanta iyo tamarta iyo shidaalka Somaliland ayuu si rasmi ah u furay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Madaxweye ku xigeenka oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay ka shaqaynta danta guud iyo qarannimadu waxaa uu yidhi. "haddii ay danta guud hagaagto qof walba na tiisa gaarka ahi way u hagaagaysaa, haddii aynu tamar jaban helno qof walba gurigiisa ayay ugu tegaysaa manta warshadeheenii la sameeyay boqol kii ba kon to n way fa dhi yaan waxaa nay u fa dhiyaan waa Tamar,mar ka stana wa xaynu ku horumaaryan aa sida aynu ta marta uga sha qaysiino manta kamaba ynaan bax neen hadii aaanay jirin tamartaa la cusbo onaysiiyay shidaalkii oo intaan ka qaylin aynay ka badan ayuu sii kacay,cid kasta oo dalka maalgas hanaysana waan soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdira xmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Agaasimaha guud ee wasaaradda Ta marta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid oo ka hadlay ujeedada kulanka iyo waxtarkiisa ayaa yidhi. "kulankan oo ah aagga wadaageyaasha Tamarta macdan ta iyo shidaalka oo ah waxyaahaba ay wasaaraddu u aasaasan taha,ujeedada ugu wayn ee kulanku waxa weee in daneeye yaasha aagga tamarta,macdanta iyo shidaalka lagu wadaago wixii xog ah.” Waxaa kale oo kuankaa ka hadlay wasiirro,daneeyeyaasha Tamarta iyo macdanta iyo masuuliyiin kale oo dhamm antood iftiimiyay sida loogu baahan yahay ka midho dhalinta khayraadka dalka



Taariikhda Prof Jawaari: mid ka mida dadkii ugu waqti dheeraa ee la soo shaqeeyey dowlad Soomaaliyeed oo geeriyooday


Allaha u naxariistee waxaa shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari sida uu BBCda u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Eheladiisa ayaa BBCda u sheegay in uu si caadi howlahiisa u watay galinkii hore balse si kadis uu u geeriyoday.

Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka tacsiyey geeridiisa ayaa ku tilmaamay inuu Prof Jawaari, ahaa mid taariikhda dalka ku leh horumarin iyo dhismaha haya’addaha dowladnimadda.

Sidaas oo kale madaxdii hore e dalka ayaa ka tacsiyeyey geeridiisa.

‘‘Wuxuu ahaa nin dowladeed, nin qaran ,wuxuu ahaa raasumaal adag oo ka baxay Soomaali oo dhan. Waxaa u ahaa qof ay adag tahay in laga dhex helo Soomaalida dhanka siyaasadda" ayuu yiri Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo BBCda la hadlay.

Waa maxay cudurka busbuska ee faraha ba'an ku haya dalkan Afrika ku yaalla, sidee ayuuna u faafaa?

Waxaa la rumaysan yahay in Prof Maxamed Cismaan Jawaari, uu ka mid yahay dadka waqtiga ugu dheer u soo shaqeeyey dowladihii soo maray Soomaliga laga soo bilaabo dowladii lixdankii.

Sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud, Prof Jawaari wuxuu ahaa tiir adag u ahaa dowladnimadda casrigaa ee Soomaaliya.

Prof. Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari, ayaa dowladinada u soo shaqa bilaabay isagoo da’a yar.

Waa kuma Maxamed Sheekh Osman Jawaari

Allaha u raxmadee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, waxaase uu ku koray yaraantiisii degmada Buur Hakaba sida horraan BBC-da ugu sheegay Siciid Maxamed Caddow oo in muddo ah u ahaa xoghayntii shaqsiga ah. Wuxuu cilmiga sharciga kaga bartay jaamacadii ummada Soomaaliyeed.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Markii danbena alaha u naxariistee Prof. Jawaari, wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Proff Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd.

Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo ku noolaa.

Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada.

Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare.

Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda.

Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.

Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari.

Balse mar danbe ayaa ehelkiisu beeniyeen warkaasi.

Alaha u raxmadee Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir.

Wuxuu ifka uga tagay sagaal owlaad ah, shan gabdhood iyo afar wiil.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip