Turkiga oo ballaariyay awooddii diyaaradaha Droniska ee Bayraktar

0
Wednesday June 26, 2024 - 09:15:06 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo ballaariyay awooddii diyaaradaha Droniska ee Bayraktar

    Diyaarada Bayraktar TB3 ee aan duuliyaha lahayn (UCAV) ee ay sameyso shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar ayaa gaadhay joog dhan 36,310 feet oo u dhigma 11 kilomitir,sida ay maalinimadii shalay ka dhawaajiyeen madaxda shirkaddaasi. Shirkaddu waxa a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarada Bayraktar TB3 ee aan duuliyaha lahayn (UCAV) ee ay sameyso shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar ayaa gaadhay joog dhan 36,310 feet oo u dhigma 11 kilomitir,sida ay maalinimadii shalay ka dhawaajiyeen madaxda shirkaddaasi. Shirkaddu waxa ay sheegtay in la gaaray guul cusub ,taas oo qayb ka ah aqoonsiga nidaamka sare iyo tijaabinta waxqabadka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo isticmaalo hawada sare. Bayraktar TB3 waxaa ku rakiban matoorka PD-170 ee ay dalka gudihiisa ku sameyso shirkadda Turkish aerospace engine,iyadoo waxqabadka diyaaraddu uu ku sii dhowaanayo rikoodhka sare ee joogga 45,118 feet oo u dhigma 13.7 kiiloomitir) . Ilaa hadda, TB3 waxa ay gashay 445 saacadood iyo 3 daqiiqo wakhtiga duulimaadka inta lagu jiray tijaabadaan. Qaab dhismeedkeeda Bayraktar TB3 waxa ay noqon doontaa UCAV-tii ugu horreeyay ee awood u leh in ay ka kacdo kana soo dagto maraakiibta,waxaana shirkaddu ay qorsheyneysaa inay bilawdo tijaabada bilaha sanadkaan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee uu soo saaro Baykar ayaa kaalin mug leh ka qaatay colaado kala duwan oo caalamka ka dhacay, sida Ukraine iyo Asarbayjaan, kuwaasoo loo adeegsaday sahanno iyo duqeymo sax ah. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu tiriyaa inay beddeleen dhaqdhaqaaqyada dagaalka, gaar ahaan hawlgallada khuseeya hawada Dec. 20, 2023, waxaa lagu guuleystay in la dhamaystiray duulimaad qaatay 32 saacadood oo diyaaradda Bayraktar ay ku duushay 3,541 miles oo u dhigma 5,700 kilomitir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip