Hawlgalkii Nuseirat oo lagu dilay la haysteyaal Israeliyiin ah

0
Sunday June 09, 2024 - 19:32:29 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlgalkii Nuseirat oo lagu dilay la haysteyaal Israeliyiin ah

    Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Israel ay Sabtidii tiro ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ku dileen hawlgalkii ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza. Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Israel ay Sabtidii tiro ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ku dileen hawlgalkii ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza. Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka gaarka ah ee xerada Nuseirat ay ku soo furteen afar la hayste, mana sheegin wax la haysteyaal ah oo hawlgalkaasi ay ku dileen amaba ku dhintay. Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in Israel ay shacabkeeda ka qarisay dadka kale ee ay ciidamadooda ku dileen xeradaasi. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Israel ay halkaasi ka gaysteen dembiyo dagaal, kuwa ugu horreeya ee dhibka uu soo gaarayna ay la haysteyaashooda yihiin. "Waxa cadowga Sahyuuniyadda ay ka sameeyeen deegaanka Nuseirat ee wadnaha Marinka Gaza waa dembiyo dagaal oo isku dhafan, waxa ugu horreeya dadka dhibka soo gaarayna waa la haysteyaal." Ayuu yiri Afhayeenka. Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Israel ay ku guuleysteen inay hawlgalka ku soo furtaan qaar ka mid ah la haysteyaashooda, isla-markaana ay gaysteen xasuuq aad u fool xun. "Cadowgu waxa uu ku guuleystay in uu sii daayo qaar ka mid ah dadkii la haystay, iyaga oo gaystay xasuuq aad u fool xun. Isla waqtigaas waxa ay dileen qaar ka mid ah la haysteyaasha, intii uu hawlgalka socday." Ayuu yiri Abu Ubaida oo aan sheegin tirada dadka la haysteyaasha ee hawlgalka lagu dilay. Abu Ubaida ayaa sheegaya in hawlgalkan uu khatar weyn ku noqon doono la haysteyaasha, isla-markaana uu saamayn ku yeelan doono noloshooda. "Hawlgalka waxa uu khatar weyn ku noqon doonnaa la haysteyaasha, wuxuuna saamayn ba'an ku yeelan doonnaa xaaladooda iyo noloshooda." Ayuu yiri Abu Ubaida. Dhanka kale Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in hawlgalka ay ku dhinteen 210 qof oo Falastiiniyiin ah, halka in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Xafiiska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqayn baahsan ka gaysteen xeradaasi iyo halka laga xumo ee Deir Al-Balah, intii uu hawlgalku socday, isla-markaana ay galaafatay nolosha dadka faraha badan. Israel ayaa loo haystaa inay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, waxayna dacwad la xiriirta kaga furan tahay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ. Maxkamadda ICJ ayaa 24-kii bishii May ugu yeertay Israel in ay si degdeg ah u soo afjarto weerarka ballaaran ee ay horaantii bishaasi ciidamadeeda ka bilaabeen deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, oo caalamka uu u aqoonsaday aag bani'aadantinimo, haddii ay gabaad u raadsadeen 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah, balse Israel ayaa ku adkeysatay in hawlgalkaasi uu sii socon doono. Israel ayaa marar badan loogu baaqay in ciidamadeeda ay ka fogaadaan dilalka ay dadka rayidka ah ugu gaysanayaan Marinka Gaza, taasi bedelkeeda waxay militarigeeda ay si joogto ah uga fogeysaa in ay bartilmaameedsanayaan shacabka aan hubeysneyn. Duulaanka Israel ee sideedda bilood ka socday Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 37 kun oo qof, halka in ku dhow 84 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si ku talagal ah u burburinayaan kaabeyaasha rayidka ee Marinka Gaza, sida goobaha waxbarashada, cibaadada, isbitaalada iyo waddooyinka. Ciidamada Israel ayaa dhulka la simay inta badan daarihii la deganaa ee Gaza. Israel ayaa ku hanjabtay in ay xididada u siibi doonto Ururka Xamaas, oo muddo 17 sano ah ka arriminayay Marinka Gaza.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip