Dowladda Ruushka oo ugu hambalyeysay Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka

0
Sunday June 09, 2024 - 18:45:21 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ruushka oo ugu hambalyeysay Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Zakharova oo wareysi gaar ah siisay Wakaaladda Wararka Qaranka S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Zakharova oo wareysi gaar ah siisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda guushan iyo doorka Soomaaliya ay ka qaadan karto Golaha Ammaanka. Afhayeenka ayaa Waxay intaas raacisay: "Waa hawl aad u adag maadaama aan ku jirno marxalad taariikhi ah, balse, waxaan hubaa in dalkiinu gudan doono waajibaadka hor yaalla". Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gudan karto mas'uuliyaddan weyn, iyadoo u rajeysay horumar. Waxaa xusid mudan in kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe loogu doortay Soomaaliya xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, waana markii labaad muddo 52-sano ah ay Soomaaliya kursigan hesho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip