Halkan ka Aqriso wararka wargeyska Mog Times 8.6.24

0
Sunday June 09, 2024 - 10:25:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka Aqriso wararka wargeyska Mog Times 8.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SOO DHAWEEYEY XUBINNIMADA SOOMAALIYA EE GOLAHA AMMAANKA QM

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soo-maaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah. 

Madaxwenaha aya sheegay in guushan ay mujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkena, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

"Guusha diblomaasi ee aanu shalay gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaati kacayo dadaalka iyo hormarka Somalia, gaar ahan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qadano nabadgelyada iyo amma-anka caalamka”.

Madaxwene Xasan Sheekh aya u mahadceliyey dhamaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Amaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo

soo dhoweeyay xubinnimada soomaaliya ee golaha ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga garay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025-26ka. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya in ay tahay guul kale oo taariikhi ah oo ay hanten shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa xusay sida ay dowlada Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqab-adaha iyo dhibatoyinka amni ee ka taagan adduunka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka qeybgalay daahfurka xarunta taliska qeybta guud ee Trafiko.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane abdullahi Sheekh Ismaiil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Nabad-gelyada wadd-ooyinka (Traffic). 

Munaasabaddaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo horumarinta lagu sameyey qeybta guud ee ciidanka Nabadgelyada waddooyinku ay kaalin weyn ka qaadan doonto adeegyada ay u baahan yihiin shacabka, gaar ahaan badqabka dadka iyo gawaarida ku safra waddooyinka.

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay qodobbo khuseeyay arrimaha bulshada iyo iskaasgiga siyaasadda ee dibadda

Golaha Wasiirrada Xukuumada Jamhuriyada Federalka Somalia ayaa kulan todobaadle ah oo ay yeeshen ku meelmariyey qodobo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nida-amiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey. 

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasare ku-xigenka Xukuumada JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashandhiga, iyaga oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo holgallada lagu ciribtiayo koxaha al-shabaab ah iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsanaa safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasa-aradaha Cafimadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknol-oojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Dulista Hawada iyo Wasarada Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda.

Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray Isbitaal laga hirgaliyey Kismaayo

Madaxweynaha maamul goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka loogu tala galay Ciidamada Jubbaland oo ay maamulka u ka hirgaliyey agag-arka dugsiga tababarka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland. 

Munaasabadda xarig jarka Isbitaalka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qaar kamida howlwadeenada Isbitaalka ka howlgalaya.

Isbitaalka ciidamada loogu tala galay ayaa ahaa mid si wayn baahi loogu qabay, Islamarkaana hadda dabooli doono baahiyaha dhanka caafimaad ee qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Isbitaalka ayaa ah mid si casri ah loo dhisay loona dhameystiray agabkii Isbitaalku u baahna iyo guud ahaan qeybihii kale ee muhiimka ahaa howlaha caafimaadka ee xaruunta.

Soomaaliya oo loo doortay xubinimo aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM

Kal fadhiga 78-aad ee Qara-mada Midoobe ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo an joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. 

Waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Somalia ka sameysay arimaha dibluma-asiyada, amaanka iyo siyaasada.

Soomaaliya ayaa aheyd mush-araxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jangoyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasilonida iyo siyaasada

Somalia ayaa qeyb ku yeelan doonta go’anada waawen ee adunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyasada iyo amanka calamka.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay xilliga la qaadayo Imtaxaanka Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS ayaa shaacisay xilliga u si rasmi ah u furmayo qorshaha lagu galayo Imtixanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyedka 2023-2024,waxana la gali dona 22-ka bisha June,2024. 

Tiradda ardayda la filayo in ay ka qeyb-galan Imtaxanka qaranka e dugsiyada sare ayey wasarada waxbarshada ku sheegtay in ay gaarayaan illaa 37200 oo arday ay u qorsheysay in ay u fariistaan Imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka sida u qorshahu yahay.

Imtaxaanka ayaa furmaya 22-ka bishan June e an ku guda jirno sida ay u xaqijisay warbahinta qaranka wasiiru dowlaha wasarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare Nuura Mustaf Mukhtaar iyadoo hoosta ka xariiqday in sannadkaan ay wasaradda waxbarshada isbadal ay ku sameysay habka loo qadayo Imtaxanka, lana adkeyay sharuucda qaadista Imtaxanka, iyadoo intaas ku dartay in goobo horle markii ugu horeysay lagu qabanayo Imtaxaanka dowladda oo ay ka mid yihiin deegaanadda laga xoreyay Khawaajirta.

”Imtaxanku wuxuu bilabanayaa dabayaaqada bishaan June oo ku beeggan 22-keeda bisha lixaad ee sannadka 2024,sannadkaan waxaa ka qeyb -gali doona 37200 oo arday oo guud ahaan dalka oo dhan ah,wasaaradda waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay in ay diyaariso Imtaxaanka oo ay ku gaarsiiso si nabad ah,goobihii Imtaxanadka lagu galayo e dalka oo dhan ah,gobolka Banaadir iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federalka ah e Somalia.”

Sacuudi Carabiya oo shaacisay in dalkaasi ay gaareen 1.2 Milyan oo Xujeey ah

Tawfiiq Al-Rabiah, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad ​​1.2 milyan oo xujey ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo caalamka ah ay xilligaan ku sugan yihiin dalkaasi. 

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa ku nuux-nuxsaday sida madaxda sacudiga ay uga go’an tahay u adeegidda dadka marida ah ee xujieyda, isagoo ka mahadceliyay dadaalka loo galay imaanshaha xujeyda ee goobaha barakeysan sida labada masjid ee Maka iyo madiina.

Tawfiiq Al-Rabiah waxa u xusay in xujeydu ay si fudud oo niyad sami ah u soo gudan karaan ciba-adadooda iyagoo helaya daryeel iyo foojignaan heer sare ah, wuxuuna dhanka kale carabka ku adkeyay muhiimada ay leedahay in loo hogaansamo shuruucda, awaamiirta iyo iskaashiga si ayuu yiri loo xaqiijiyo adeeg dham-aystiran oo loo qabto dhammaan xujeyda.

Si kor loogu qaado hufnaanta shaqaalaha ee nidaamka Xajka, Al-Rabiah wuxuu sharraxay in bilihii la soo dhaafay in ka badan 120,000 oo shaqaale iyo hogga-amiyeyaal ah ay qaateen tababar la xiriiray bixinta adeegyada loogu talagalay xujeyda.

Sheekh Aadan madoobe oo shirguddoomiyey kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ka qabsoomay Kismaayo

Gudomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Gudomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku qabsomay magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland. 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in mudada ay socdaan kulamada si mira dhal ah looga doodo ajendayaasha kal-fadhiga shanaad ee horyaalla golaha Shacabka.

Xubnaha Gudiga Jogtada ah e golaha Shacabka aya ka dooday sida loo wajahayo kulamada Gudiga Jogtada ah ee todobadka soo socda ka socon doona Kismaayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kalfadhiga shanaad ee golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Sheekha Aadan madoobe ayaa haben hore kulan gaar ah Magaalada Kismaayo kula qaatay Madax-weynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyomas’uuliyiin kale.

Kulankasi waxa labada dhinac ay kaga wadahadleen qodobbo ay kamid ahaayeen, howlgalada ciidan ee ka socda Jubbooyinka, soo celinta amniga, dardar-galinata, wadashaqeynta maam-ulada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha BFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiri "Waxan go’ans-anay in shirarka gudigga joogtada ee golaha lagu qabto gudaha dalka, halka markii hore lagu qaban jiray dibadda”.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islan oo isna kulankasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dowlad goboleed ahaan ay soo dhaweynayaan in shirka banbaxa ee Guddiga Jogtada ah lagu qabto magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha BFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa daraad gaarat magaalada Kismaayo, halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Raggii dilay dhakhtarka iyo macalinka oo lagu toogtay Dhuusamareeb

Maxkamada Gobolka Galgadud ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo dhallinyaro ahaa, kuwaa oo lagu helay inay dileen laba nin oo wada dhashay.

Raggan ayaa lagu helay in 10-kii bishii December ay labadaasi nin ku dileen deegaanka Ilix oo qiyaastii 40km dhanka bari uga beegan Degmada Guriceel. 

Labada nin ee ay dileen oo midkood uu dhakhtar ahaa, kan kalena uu Macalin Dugsi Quraan ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo Macalin Liiban Xasan Cisman.

Dr. Axmed Xasan ayaa ka hawlgalayay Degmada Buuhodle ee Gobolka Togdheer, balse uu weerarka la kulmay, xilli uu boqasho u yimid deegaankii uu ka soo jeeday, waxaana labadaba la dilay xilli habeen bar ah oo hoygoodii ay hurdeen.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa saddexda nin ee la toogtay 24-kii bishii February ku xukuntay xukun dil toogasho ah, oo ah qiyaasta labadii nin ee ay dileen.

Saddexdan nin oo shalay lagu toogtay fagaare ku yala Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu kala magacaabi jiray Shuceyb Maxamed Faarax, Bile Cabdullahi Xasan iyo Nuur Cabdi Maxamed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug, Cabdicasiis Nuur Xuseen oo qisaasta ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunkii dilka ahaa lagu fuliye gacan ku dhigleyasha.

"Shalay oo ay taariikhdu tahay 6-da bisha June 2024 waxaa lagu fuliyay dilkii qiyaasta ahaa.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.

Dilka ay gaysten raga la togtay ayaa qayb ka ahaa dilalka aanoyinka belaha, oo mudoyinkii ugu dambeysay ku so badanayay Gobolka Galgaduud.

Shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo ku dhaawacmay shil dooni oo ka dhacay Raaskambooni

Shaqaale samafal ah oo kala katirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo FAO ayaa ku dhaawacmay shil ay ku lug lahaayeen labo doon oo ku safrayay jasiiradaha Raskamboni. 

Shaqalaha dhaawacmay ayaa holo samafala u aaday degmada Badhaadhe iyo jasiiradaha ku xeeran, waxana ay ka soo laabten Raskamboni marki ay dhacdadan dhacday khamisti daraad.

Wararka ayaa sheegaya in afar qof oo ku dhawacme shilkaan, ay labo kamid ah qaban dhaawacyo halis ah, waxaana loo qaaday magaalada Muqdisho, si loogu soo daweeyo.

Wali lama xaqijin sababta kentay shilkan, waxaana la sugaya warbixinta ugu danbeysa ee ka soo baxda maamulka Jubbaland.

Wasaaradda kalluumaysiga Jubbaland oo war kasoo saartay dhacdadan ayaa sheegtay in aad uga xuntahay dhaawaca soo gaaray shaqaalaha samafalka ah ee iskood isu xilqaamay, waxayna u rajaysay soo kabasho degdeg ah.

Waddan kale oo Yurub ah oo ku biiraya dalalka dacwadda ku soo oogaya Israel

Spain ayaa ku dhawaqday inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Isra’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza. 

"Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Spain wa wadanki ugu horeyay ee Yurub ah ee codsigas sameya, isago ku biiray 12 wadan oo kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ireland

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa shalay ku soo dhaweeyay xarunta safaaradda Soomaaliya Danjiraha dalka Ireland u fadhida dalalka Kenya iyo Soomaaliya Marwa Caitríona Ingoldsby. 

Labada Danjire ayaa kawada hadlay arrimo quseeya danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Ireland, si gaar ah waxaa ay diirada u saareen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Golaha Amaanka, Degenashaha gobolka iyo mashaariicda ay taageerto dalka Ireland ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Xogheyaha Jaamacadda Carabta oo soo dhoweeyey Safiirka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda JFS

Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacada Carabta Danjire Ali Abdi Awaare. 

Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Ali Abdi Awaare si rasmi ah uga gudoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Ali Abdi Awaare ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Ururka Jamacada Carabta kalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dawlad dhiska Somalia, sidoo kale danjiraha wuxuu tilmamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka go’an tahay soo celinta kaalintii muuqatay ay soomaaliya ku laheyd Ururka Jaamacadda Carabta.

Sido kale waxa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkan ah Shir Gudonka Golaha Gud e Ururka Jamacada Carabta.

Gaza Israel oo dishay 32 ruux oo ku sugnaa goob iskuul ah

Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen, halka tobannaan kalena uu soo gaaray dhaawacyo, kadib markii Israel ay weerar xagga cirka ah ku qaadday iskuul ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yiillay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Gaza, halkaas oo gabad u aha dad barakacayal ah. 

Milatariga Isra’iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen dugsi ay maamulaan hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka dadka falastiin (UNRWA).

Afhayenka Xafiiska Warbahinta Dowladda Ismaaciil al-Thawabta ayaa sheegay in Isbitaalka Al Aqsa uu hadda marayo saddex laab awoodiisa caafimaad iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen dugsiga UNRWA.

In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa la saadaaliyay in bartamaha bisha soo socota ay la kulmi karan macluul herkedu sareya haddii ay colaada Gaza ay sii socoto, sidaa waxa digniin ku bixiyay hay’adaha Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, joojinta dagaalka Gaza oo si buuxda lo so afjaro iyo ka bixitanka cidamada Israel aya lagama marman u ah Xamaas inay ogolaato soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta, ayuu yiri hogaamiyahooda.

Madaxa difaaca ee Israa’iil aya sheegay in an la joojin doonin dagaalka inta lagu jiro wadaha-dalada.

Ugu yaran 36,586 qof aya la dilay halka 83,074 ay ku dhaaw-acmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Saddex sifo oo dadka ka caawiyay in ay shaqadooda ka tagaan oo ay gaaraan guul ganacsi

Ma dooneysaa in aad ka tagto shaqada o aad samesato ganacsi kuu gaar ah? dabcan ganacsi shaqenaya oo noloshaada inta ka harasan aad ku noolaan kartid.

Barnamijka Go’anadii iga dhigay hogamiye” aye BBC ku waresate lix ganacsade. Inkasto tani tahay sahan koban, hadana waxan kahelne waresiyo xog xiso leh. 

Waxaan ku ogaanay saddex hab oo inta badan aan loo arkin in ay ganacsiga u keenayaan guul la hubo balse ay tahay habab kaa caawin kara marka tan la fiiriyo.

Qodobka koowaad waa diidmo Waxyaabaha aan ogaanay waxaa ka mid ah in aad leedahay dareen didmo. Dadka an ku faraxsaneyn ama isku arka in iskuul, jamacad ama shaqadi hore aysan todi ahen aya ka mid ah kuwa gulesta.

Duncan Benettine waa ganacsi aad loo yaqaan, waxa caan ka dhigay waa bandhiga Dragon Den ee ka bixi jiray TV-ga. Ciidamada Badda ayaa laga soo eryay kaddib markii uu la dagaallamay sarkaal. "Sarkaalka wuxuu soo farageliyay arimaheyga, wuuna igu qeylinayay, marka waxaan dareemay in markaas ay aheyd in aan jawaab ka bixiyo” ayuu yiri Duncan. Duncan wuxu no sheegay in uu go’aansaday in uusan qofna amar ka qaadan.

Siman Beckerman wa asasaha suuqa internetka ee Pepop. Isago iska hadlaya wuxuu yiri, "waxaan ahay qof aan hoggaansamin. Waxaan daremaa in shaqadas aysan teyda aheyn”. Dhabtii markaad cidna u shaqeyn weydo, jidka kaliye ee kuu furan waa in aad si madaxbanaan u socotaa.

Krisi Smith oo ah aasaasaha shirkadda ‘Bird and Blend Tea Co’, dhowr shaqo oo hore ayey soo martay ka hor int aysan bilaabin shirkadeeda shaaha. Waxa jiray shaqoyin ay xasasiyad ka qaadi jirtay. Dhammaantood way ka soo shaqeysay. Sida in ad xananeysid bisadaha adigo xasa-siyad ka qadaya in ad daryesho.

Sido kale waxay ka shaqeeysay caweys. Waxaan inta badan is weydin jiray ayey itir maxaan ugu shaqeynena shaqadan. "Wa tas waxa dadka dhirogeliya” ayey tiri.

Kadib markii ay gobjog u noqote sida xun ay milkiilayasha ula dha-qmayan shaqalaha iyo maca-misha aye go’ansate inay bilowdo ganacsi iyada u gaar ah oo si xushmad leh loo shaqeynayo.

Qodobka labaad waa dulqaad la’aan

Astanta kale e aan daremay wa dulqad la’anta dadka. Rabitaan aya ku jira mana aamusi karaan. Ma arkaan sawirka gud ee ah inay ku guuleysteen howshoda kaddib qorsheyn weyn. Ganacsatadaas ma lumin wax fursad ah, waxayna naftooda u abuureen fursado.

Timo Armoo shirkadda waa aasaasaha shirkadda suuqeynta ee Fanbytes. Wuxuu sheegay in ganacsigiisi ugu horeeyay uu bilabay marki u iskulka dhiganaye xiligaas oo ardayda kale uu ka caawin jiray xisaabta kaddibna uu lacag ka qaadan jiray.

Markii uu gaaray 17 jir, wu fariin qoraal ah u diray qabanqaa-biyayaasha shirka ragga gana-csatada si uu uga qeybgalo. 20 daqiiqo gudaheed ayey fariintiisa uga soo jawaabeen. Sidoo kale waxa u suragashe in uu wareysto Sir Richard Branson, Lord Sugar iyo James Caan.

Darenka dulqad la’anta wa wax ka muqda kuwa leh hal aburka ganacsi ee ka taga ganacsigii ay gacmahooda ku abuureen. Gana-csatadas way og yihiin waxa ay ku fican yihin io melaha ay ku liitan.

Waxay sidoo kale og yihiin marka ganacsiga gaaro halkii ugu sareysa gusha. Xaladahas o kale waxaa loo baahan yahay shaqo badan si ganacsiga u gaaro halka loo socdo oo ah horumar waara.

Hadii aan la qiimen hal abuurka iyo waxsosarka, dulqaad la’aanta ma keeneyso guul la hubo. Dhinaca kale, ganacstada aan la hadalnay waxaa ka muuqatay sifo dulqad la’an. Marka ganacsiga gulesto waxay aminsan yihin in hore lo socdo ganacsiga la ibiyo.

Martha Lynn Fox waxa ay wax ka sameeyay shirkadda Last Minute.com sagashamadki markii uu halka sare joogay Dot-com. Xiligas waxay aheyd abuure ganacsi. Carurta waxay tusinayen dadka waweyn awoda internetka.

Markii ay gaartay 31 sano, waxay go’aansatay in ay ka degto xilka mamulaha shirkadda. Waxay tiri waa sida koox fanaanin ah o so baxday marka ad bandhig weyn dhigtan o mel sare gaartaan aad isaga tagto. Ma dooneyn in ganacsigan uu noqdo waxa kaliye ee lagu yaqaan.

Qodobka saddexaad waa in xiiso wax kuu hayaan

Sifada sadexad ee in ganacsiga guulesto waa sida aad u jecesh-ahay in aad waxqabato halkii aad maskada ku hayn laheyd. Waxay ila tahay waxa keenay in dadkan guuleystan, hadii ay ahaan laheyd in la maamulo hay’ad gargaar ama mid tiknoloji, waa in ay meelo badan wax ka soo qabteen.

Rajo badan ayey qabaan. Waxay aaminsanayen in ay gaari karaan ujeedoyinkooda, waxayna doorteen jid ka wanaagsan kan aan anaga qadanay. Jaceylka ku jir ayana ah waxa arrorti so kiciya.

Richard Walker waxa uu ka dhashay qoyska ganacsatado ah. Wuxuu maamule ka soo noqday beecmushtarka aabihii, hadana isagoo yar ayuu bilaaway ganac-sigiisa. Wuxuu talo ka helay Tony Gallagher oo ah ganacsada caan ku ah dhismaha guryaha kaas oo kula taliyay inuu Poland u guuro.

Sida uu sheegay, Poland markas ayey Midowga Yurub ku soo birtay, waxayna u weyn tahay sida Jarmalka. Waxay leedahay dad ka badan 40 milyan oo tacliin sare leh. "Ma jirin shirkada Britain oo ganacsig guryaha ka waday halkaas, sidaas darteed ayaan u go’aansaday” ayuu yiri.

Xigashada warkan BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip