Madaxweyne Xasan Sheekh oo Markale uga digay Itoobiya Heshiiska ay la gashay Soomaliland

0
Saturday May 11, 2024 - 20:24:40 in Wararka by
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Markale uga digay Itoobiya Heshiiska ay la gashay Soomaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey in ay daba socoto damac soo jireen ah oo ay ku dooneyso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan oo khudbad ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey in ay daba socoto damac soo jireen ah oo ay ku dooneyso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah badda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeedinayey masajid ku yaal Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo dowladdiisa u yaal, wuxuuna si gaar ah farta ugu godey sababta ka dambeysa khilaafka ka dhex oogan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynaha oo ku dheeraaday taariikhda colaadeed ee u dhexeysa labada dal, ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay uga go'an tahay Soomaaliya in nabad lagu soo dabbaalo gobolka, wuxuuse Ra'isul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeyey in isagoo ka faa'ideysanaya daruufta ay Soomaaliya ku jirto uu soo cusbooneysiiyey damac soo jireen ah oo Itoobiya muddo dheer ku taameysey in ay bad u hesho. "Maanta, Ra'isul Wasaaraha Itoobiya iyo xukuumaddiisu waxay is tuseen Soomaaliya wey soo kabaneysaa ee inta aysan cagaheeda isku taagin, ha laga faa'ideysto oo taariikhdii fogeyd oo waligeed Itoobiya badda ku raadin jirtey maanta ayaan fursad haysannaaya aan uga faa'ideysanno", ayuu yiri madaxweyne Xasan. Xasan Sheekh Maxamud oo sii hadlaya ayaa Itoobiya ugu baaqay in ay ka waantowdo damaca uga jira badda Soomaaliya, haddii ay ku adkeysato isku daygeeda wuxuu uga digey in uu ku dambeyn doono meeshii ay ku dambeeyeen damacyo hore oo uusan carrabaabin. Xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday tan iyo markii ay Addis Ababa heshiis is-afgarad ah la sixiixatay Somaliland 1-dii bishii Jannaayo ee sannadkan, kaas oo Muqdisho ganafka ku dhufatay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip