Ciidanka Booliiska ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed oo tababbar ku qaatay Markab dagaal oo laga leeyahay Spain

0
Thursday April 18, 2024 - 12:07:21 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliiska ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed oo tababbar ku qaatay Markab dagaal oo laga leeyahay Spain

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliiska iyo Hawlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa fuliyay layli mideysan ay ku qaateen Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee Dalka Spain gudaha biyaha Soomaaliya. L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliiska iyo Hawlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa fuliyay layli mideysan ay ku qaateen Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee Dalka Spain gudaha biyaha Soomaaliya. Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada. Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee Saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha. Layligaan wadajirka ah waxaa hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha G/sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka "CANARIAS" (F-86) Carlos CASTOSA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip