Madaxweynaha oo si rasmi u furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka (Sawirro)

0
Sunday October 25, 2015 - 17:24:50 in Wararka by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo si rasmi u furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka (Sawirro)

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo iminka uu ka jeedinayo khudbad dhinacyo badan uga hadlayo oo ku saabsan xaalada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo iminka uu ka jeedinayo khudbad dhinacyo badan uga hadlayo oo ku saabsan xaalada dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Madaxweynaha ku soo dhoweeyay furitaanka kalfadhiga 7aad, waxaana Guddoomiyaha uu ka hadlay waxyaabihii u soo qabsoomay lixdii kalfadhi ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha hor-yaala.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kulanka furitaanka kalfadhiga 7aad ay soo xaadireen 141 Xildhibaan, waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali doonin Xildhibaanada ka maqan fadhiyada, isagoo xusay in howl adag ay hor-taalo Baarlamaanka, gaar ahaan shuruuc dalka muhiim u ah oo Golaha Wasiirada ay soo gudbiyeen.

Furitaanka Kalfadhiga todobaad ayaa waxaa goob joog ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo khudbadiisa si toos ah looga daawanayo Telefishinka SNTV ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo tilmaamay in laga heshiiyo siyaasada, si dowladnimada aas aas u yeelato, waxaa uu ka hadlay sharciga dalka oo uu xusay inay tahay in lagu dhaqo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatadii la soo maray haatan si tartiib tartiib looga gudbayo, waxaana uu cadeeyay inay muhiim tahay in lagu farxo maanta wixii u qabsoomay dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay wada tashiyada dalka ka bilaaban doono, oo uu tilmaamay in go’aan wada jir ah looga gaari doono sanadka 2016 wixii la qaadan doono, waxaana uu tibaaxay in deegaan walba oo gobolada dalka ay ka dhici doonaan wada tashiyada qaran.

Waxaa uu sheegay go’aanada lagu gaaro wada tashiyada uu soo mari doono Baarlamaanka, isla markaana uu meel marin doono, kadibna xafiiska Madaxweynaha uu shuruuc ka soo saari doono.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday sharciyada hor-yaala Baarlamaanka, kuwaasoo uu tilmaamay inay muhiim yihiin, isla markaana loo baahan yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay de-dejiyaan ansixintooda.

"Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dar-dargeliyo”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay Beesha Caalamka, isla markaana uu aad u soo xoogeysanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee dhinaca dibadda ah.

IB0A62861IB0A6255IB0A6244IB0A6213IB0A6200IB0A6192IB0A6173IB0A6167IB0A6156IB0A6132IB0A6102

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip