Maxaabiis Daacish u xirnaa dilna ku xukunaa oo xoog lagu furtay.

0
Saturday October 24, 2015 - 09:18:47 in Wararka by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Daacish u xirnaa dilna ku xukunaa oo xoog lagu furtay.

    Howlgal ay si wada jir ah u sameeyeen ciidamada dawlada Ciraaq iyo kuwa Maraykanka ayaa waxay kusoo furteen ku dhawaad 100 ruux oo gacanta ugu jiray kooxda Daacish kuwaasoo dhawaan in la dilo la qorshaynayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ay si wada jir ah u sameeyeen ciidamada dawlada Ciraaq iyo kuwa Maraykanka ayaa waxay kusoo furteen ku dhawaad 100 ruux oo gacanta ugu jiray kooxda Daacish kuwaasoo dhawaan in la dilo la qorshaynayay.

War kasoo baxay Pentagonka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka o laga sameeyay magaalada Xawija la yiraahdo oo waqooyiga Ciraaq ku taala in lagu bad baadshay 70 ruux oo ay Kurdiyiin ku jiraan kuwaasoo ay wararku sheegayaan in kooxda Daacish ay disho todobaadka soo socda.

Weerarkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu qabtay 5 hogaamiye oo Daacish ka tirsanaa tiro kalena waa lagu dilay sida Maraykanku sheegay.

Afhayeen waaxda difaaca Maraykanka oo la yiraahdo Peter Cook ayaa sheegay in howlgalkaan la qaaday kadib markii la helay xog ku saabsan in Daacish ay damacsan tahay in dadkaasi ay isku mar disho.

xigasho :- somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip