Midowga Yurub iyo Britain oo walaac ka muujiyey talaabo ay qorsheyneyso Israel

0
Sunday February 11, 2024 - 21:42:24 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub iyo Britain oo walaac ka muujiyey talaabo ay qorsheyneyso Israel

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay weerar ay ciidamada Israa’iil sheegeen iney ku qaadayaan degaanka Rafah oo ka tirsan marinka Gaza , halka madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell uu ka digay inay taasi noqon doonto "masiibo bini’aadantinimo”.

"Aad ayaan uga walaacsanahay weerar millatari oo lagu qaado Rafah – in ka badan kala bar dadka Gaza ayaa gabaad ku ah aagga,” ayuu yiri Cameron.

"Mudnaanta koowaad waa in si degdeg ah loo hakiyo dagaalka si loo helo gargaarka iyo la haystayaasha, ka dibna horumar laga gaaro xabbad-joojin waarta oo joogto ah,” ayuu yiri

Warbixin gaar ah oo ku saabsan X, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka digay in weerarka Israa’iil ee Rafah uu horseedi doono "masiibo bini’aadanimo oo aan la sheegi karin.”

 

"Waxaan ku celcelinayaa digniinta dhowr waddan oo xubnaha ka ah Midowga Yurub ee ah in duullaanka Israa’iil ee Rafah uu horseedi doono masiibo bini’aadannimo oo aan la soo koobi karin iyo xiisad xun oo Masar kala dhexeysa. Dib u soo celinta wada xaajoodyada lagu sii daayo la haystayaasha iyo joojinta colaadaha waa habka keliya ee looga hortagi karo dhiig daata” ayuu qoray Borrell.

Kahor duulaanka dhulka ee koonfurta Gaza ee Rafah, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa faray milatarigiisa inay isu diyaariyaan inay daadgureeyaan dad lagu qiyaasay 1.3 milyan oo qof oo ku nool magaaladaas, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay horay uga barakaceen qaybaha kale ee go’doonsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip