Madaxweyne Xasan Sheikh oo isbitaalkii digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii xerada Goordan

0
Sunday February 11, 2024 - 07:00:02 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo isbitaalkii digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawacmay weerarkii xerada Goordan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
email sharing buttonMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
     Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay saraakiisha ku naf waayey weerarka ka dhacay xerada Goordan, kaddib markii askari katirsanaa ciidanka amniga ee xerada Goordan uu rasaas la beegsaday saraakiisha Imaaraatka Carabta ka hor inta aan isaga la dilin.


      Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay saraakiisha geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay inay ahaayeen kuwa dalka u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
       Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

      "Waxaan si adag u cambaareynayaa falkan foosha xun ee lagu dilay saraakiishan waqtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib u dhiska ciidamadeena. "Waxaan ballan qaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkan foosha xun,” ayuu yiri madaxweynuhu.
      Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta taageerada ay ka geystaan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip