Aabe iyo hooyo lagu dilay hal goob, kadib markii…

0
Sunday February 11, 2024 - 07:31:33 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabe iyo hooyo lagu dilay hal goob, kadib markii…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee koonfurta gobolkaas, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray dad isku qoys ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay guri ku yaalla deegaanka, ayna ku dhinteen aabihii iyo hooyada qoyska.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dad kale oo ku sugnaa guriga, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

 

Weerarka kadib waxaa howlgal sameeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aagga Camaara, kuwaas oo baadi goob u galay xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiisha milatariga waxa ay sheegeen inay ku raad-joogaan Al-Shabaabkii ka dambeeyay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay deegaanka Camaara.

Xaaladda ayaa iminka daggan, waxaase saameynta weerarkan laga dareemayaa deegaanka, maadaama ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

 

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay halkaas ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Camaara ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal ay si wadajir ah ugu qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip