Kooxda Galmudug Oo Ku Guuleysatay Maanta, Koobka K/Caagta Ee M/Mul-Gobolaadyda Soomaaliya 2024-

0
Monday January 29, 2024 - 17:19:12 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Galmudug Oo Ku Guuleysatay Maanta, Koobka K/Caagta Ee M/Mul-Gobolaadyda Soomaaliya 2024-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kooxda Galmudug Oo Ku Guuleysatay Maanta, Koobka K/Caagta Ee M/Mul-Gobolaadyda Soomaaliya 2024-Xulka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyagoo rigooreyaal 4-1 Kaga adkaatay  xulka Hirshabelle.

     Ciyaartan oo Finaal aheyd ayaa ka dhacday garoonka Kubada cagta Muqdisho Stadium ee magaalada Muqdisho taasoo  ay si weyn u soo buuxiyeen taageerayaal ku dhow 100 kun oo illaa saaka aroortii ku qulqulayey.

       Ciyaarta ayaa 2dii qeyb  90kii  daqiiqo ku soo dhamaatay goolal la’aan 0-0 ah  waloow 3 daqiiqo oo lagu darayan  ay waxba kala dhalinin  iyadoo loo dhigay rigoorayaal si looga kala baxo tartankani 

kooxda  Galmudug ay rigooreyaal ku reebtay  ciyaata maanta kooxda  Hirshabelle waxaayan hanatay kooxda galmudug koobka sanadkaan 2024-ka . tartanka ciyaaraha dalka 

Markii ay soo dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa hawada magaalada Muqdisho isqabsatay rasaas culus oo loogu dabaaldegayo guusha ay gaartay kooxda Galmudug oo markii ugu horeysay ku guuleysatay tartanka dowlad goboleedyada dalka  waxaay sameynayeen damaashaad  aan caadi ahyen waxaana  hore looga digay aba kooxood taageerayaashooda in ay nidaamka ilaaliyaan oo ay dhibaato sameynin i oo ay ku ekaadaan taareanimmo kaliya 

      ciidmada Dowlada Somalia ayaa xoojiyay ammaanka caasimadda gaar ahaan agagaarka garoonka ciyaaraha iyo waddooyinka soo gala oo Kumannaan askari la dhigay, iyadoo laga cabsi qabay rabshado dhexmara taageerayaasha labada kooxood oo maalmahan fariimo ay ku jireen kuwo qabyaaladeysan isku marinayey baraha bulshada hase yeeshee  waxaa uu ku soo gababoobay tarnka si nabad ah .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip