Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta oo war cusub soo saaray

0
Wednesday January 24, 2024 - 20:34:55 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta oo war cusub soo saaray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 95 KB
..
Warqad ay soo saareen Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in meesha laga saaray u tartamista kaalinta saddexaad ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Xiriirka ayaa sheegay in la ciyaari doono kulanka kama dambaysta ah marka ay taariikhdu tahay 27-ka bisha January, sida ku cad qoraalkaan uu galabta soo saaray.

Ciyaartii ugu xiisaha badneed waxay galabta dhexmartay Banaadir iyo Galmudug, waxaana soo baxday oo Final iska xaadirisay Galmudug.


HirShabelle oo horay Final u timid, kadib markii ay ka soo reysay Jubbaland iyo Galmudug oo galabta ka reysay Banaadir ayaa 27-ka bishaan dheeli doona ciyaarta kama dambeysta ah.

Xulalka Galmudug iyo HirShabeelle kii raaya ayaa qaadi doona koobka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo aad looga xiiseeyo Soomaaliya.

Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa horay waxaa uga haray maamulka goboleedka Koonfur Galbeed, kadib weerar lagu qaaday ciyaartoyda, xilli ay la socdeen bas ka soo qaaday garoonka.

Ciyaarta galabta la dheelay waxay kanmid aheyd kulamadii la sugayey ee xiisaha lahaa, taageerayaashii ugu badnaa ayaa garoonka buux dhaafiyey, waxaana la isla gaaray rigoore ay Galmudug ku soo baxday, mana jirin wax gool ah oo dhashay intii ay socotay ciyaartii galabta.

Dhanka amniga aad ayaa loo adkeeyey ciidamada ammaanka ayaa fashiliyey qarax ismiidaamin ahaa, waxaana warbixin ka soo baxday booliska lagu sheegay in ninka is qarxiyey uu beegsaday kaalin shidaal markii uu ogaaday in ciidamada uusan ka badbaadeyn.

Labo qof oo dhimasho ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayuu xaqiijiyey boolisku, sidoo kale waxaa gubatay kaalintii Shidaalka ee naftiisa haliguhu beegsaday, markii ay eryadeen ciidamada ammaanka, halka uu ku qarxay ayaa 1 KM u jirta garoonka ay ciyaartu ka socotay.

Hoos ka eeg warqadda xiriirka

Guushii Galmudug kadib, xiriirka kubadda cagta dalka oo war cusub soo saaray


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip