Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo shaaciyay waqtiga uu dib u bilaabanayo tartanka

0
Saturday January 20, 2024 - 12:02:33 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo shaaciyay waqtiga uu dib u bilaabanayo tartanka

    Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa berito oo Axad ah dib uga bilaabanaya garoonka Kubadda Cagta Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in tartanka uu dib u bilaaban do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa berito oo Axad ah dib uga bilaabanaya garoonka Kubadda Cagta Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in tartanka uu dib u bilaaban doono, kadib hakad uu tartanka ku jiray mudo todoboaad ka badan. Hakadka tartanka ayaa yimid kadib markii uu muran hareeyay habsami socodka tartanka oo ay isaga baxeen xulka matalayay Koonfur Galbeed. Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go'aamiyay in dib loo amba qaado tartanka berito. Hirshabeelle ayaa beri xaadiri doonta garoonka si saddex dhibcood looga siiyo xulkii Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen, laguna guul dareystay in dib loogu soo celiyo tartanka.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip