Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada PUNTLAND + Sawirro

0
Thursday January 11, 2024 - 12:18:19 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada PUNTLAND + Sawirro

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka ugu kala wareegayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland iyo midka cusub ee dhowaan loo doortay xilkaasi.

Xil-wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga madaxtooyada, ayada oo labada ku xigeen uu xilalka u kala wareejiyay madaxweyne Saciid Deni oo mar kale dib loo doortay.

Axmed Karaash oo ah ninka la beddalay oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo isbeddalka dhacay, uuna la shaqeynayo madaxa la doortay.

 

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Lugatoor oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ku xigeenkii hore, isaga oo sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono, isla markaana uu la shaqeyn doono madaxweyne Saciid Deni.

La wareegitaanka xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhigan inuu dhaqan galay isbeddalkii ka dhacay madaxtooyada oo ku koobnaa madaxweyne ku xigeenka, maadaama madaxweynihii mar l2aad dib loo soo doortay kadib doorasho 8 bishan ka dhacday Garowe.

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay maamulka Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday.


 
 

Dhacadadan doorashada ayaa meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Deni iyo ku-xigeenkiisa cusub ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreynta mad-madwoga kala dhexeeya dowladda dhexe iyo inuu Puntland gaarsiiyo qof iyo cod.

 

Puntland ayaa maalmihii dambe ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada soo dhammaatay, kadib markii ay isku dhaceen Deni iyo mucaaradka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip