Saciid Deni oo loo dhaariyey Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota (Sawirro)

0
Monday January 08, 2024 - 14:41:31 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo loo dhaariyey Madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota (Sawirro)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey doorashadii Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota oo uu si xarago leh mar kale ugu guuleystay Madaxweynaha xilka haya Saciid C/llaahi Deni oo sidoo kale cusub u dhigay doorashooyinka Puntland

Deni ayaa wareegii 3aad ee doorashada Madaxweynaha Puntland kaga guuleystay 45 cod musharaxii la tartamay Guuleed Saalax Barre oo helay 21 cod, iyadoo sidoo kale Deni uu codad badan ku hogaaminayey labadii wareeg ee hore.

Musharax Deni ayaa taariikh cusub u dhigay doorashada Puntland, isagoo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey Puntland ee la doorto labo xili oo isku xigta

Guuleed Saalax Barre oo ahaa Muharaxii la tartamay Deni wareegii ugu dambeeyey ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, isagoo balanqaaday inuu la shaqeyn doono.

Saciid C/llaahi Deni Madaxweynaha mar kale la doortay ee Puntland oo isna Munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyey xildhibaanadii uu codeeyey iyo kuwii ka codeeyey intaba, isagoo ku baaqay in la iscafiyo, lagana wada shaqeeyo danaha Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Puntland ayaa isla goobta ku dhaariyey madaxweynaha mar kale la doortay ee Puntlad Saciid Deni, waxaana goor dhow bilaabananeysa doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo musharaxiin badan ay u taagan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip