Doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo lagu kala baxay – Yaa loo doortay?

0
Monday January 08, 2024 - 14:51:41 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo lagu kala baxay – Yaa loo doortay?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka socotay magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxaa goordhow loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

Ilyaas Lugatoor ayaa ka guuleystay musharaxiin u ordeysay kursigaan, wuxuuna hayb ahaan uu kasoo jeed beesha Dhulbahante gaar ahaan Xasan Ugaas.

 

Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland ayaa waxa uu kamid yahay saaxiibada dhow ee madaxweyne Saciid Deni, sidoo kalena wuxuu ahaa wasiirkii duulista iyo gaadiidka cirka ee xukuumadda Deni.

Doorashada Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe ayaa waxaa awooddiisa siyaasadeed ku muujiyay madaxweyne Saciid Deni, oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee mar labaad dib loogu doorto xilka u sarreeya maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa helay codad gaarayaa 45 cod, halka musharraxii wareegii u dambeeyay la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdiraxmaan Axmed Saciid.

 



 
 

Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi, taasioo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.

Doorashadii madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo lagu kala baxay – Yaa loo doortay?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip