Madaxweynaha Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
Thursday January 04, 2024 - 15:25:15 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo faah faahin ka bixiyay heshiiska Itoobiya iyo xukuumadiisa, ayaa sheegay in aan la bixinin bada Somaliland, lakiin saldhig millateri Itoobiya laga kireeyay.
Biixi oo maanta kusoo laabtay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in warka ah in bada la iibiyay anay waxba ka jirin, isaga oo sheegay in heshiiska Itoobiya lala galay uu yahay mid loo eegay dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

      "Waxa la yidhi oo aad maqasheen, Somaliland bad ayaa la iibiyay sawmaaha? Saylac ayaa xabashida laga iibiyay saw lama odhan?, dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweynana ma iibin karo, warkaasi waa ka cadawga ee kuwa sidaa lihi hadii loo dhiibo iyaga iibin lahaa" ayuu yidhi Biixi.
     Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu xaaraantinimaynayo, in la iibiyo dhulka Somaliland, isla markaana anay ahayn wax dhici kara, waxa uu sheegay in heshiisku uu ku salaysanyahay waxa uu dastuurka Somaliland ogolyahay.
       "Itoobiya waxay daydayaysay meel ay dajiso ciidamadeeda bada, Somaliland 33 sanno waxay u dadaalaysay in ay hesho dowlada kowaad ee aqoonsata, Itoobiya ayaa maanta kamid ah" ayuu yidhi Biixi.
      Waxa uu sheegay in heshiiskani uu Somaliland u furayo in dowladaha caalamku ay maalgashadaan, isaga oo sheegay in markii hore uu caalamku dhaqaalihiisa ku aamini la'aa, madaama oo Somaliland anay haysan aqoonsi.
      Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya anay diidin in bada la kireeyo, lakiin kali ah ay rabtay in ay iyadu saxeexdo "Xasan Sheekh, dowladiisa iyo wixii iska daba hadlay oo dhani waxay kusoo ururiyeen waxay ahayd in anaga nala soo maro".

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip