Daawo: Dibad-baxyo ka billowday Muqdisho kadib heshiiskii S/land iyo Itoobiya

0
Wednesday January 03, 2024 - 11:27:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dibad-baxyo ka billowday Muqdisho kadib heshiiskii S/land iyo Itoobiya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda dibadbax ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga horjeedo heshiiska badda ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka ayaa ka qayb-galay dibadbaxa, kuwaas oo isugu tegay fagaaraha Daljirka Daahsoon iyo garoonka Koonis.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ay qayb ka yihiin xildhibaanno iyo wasiirro.

 

Dibad-baxaan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxaa lagu muujinayaa, sida ay shacabka Muqdisho uga xun yihiin heshiiska lagu gaaray magaalada Addis Ababa.

Yuusuf Madaale oo ka hadlayay dibad-baxan iyo ujeedkiisa waxa uu sheegay inuu jawaab u yahay tallaabadii aan habooneyn ee ay qaadeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

"Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ku habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu yiri.

 

     Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan uu xadgudub ku yahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in MuuseBiixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

"Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu mar kale yiri. 

 

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Si kastaba, Heshiiska ay Addis Ababa ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Somalia. 

Toos Banaan Bax | TOOS: Shacabka Muqdisho oo isku soo baxay. | By Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed | Facebook


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip