Daawo: Mahdi Guuleed oo farriin u diray reer Somaliland, kadib heshiiskii Addis Ababa

0
Wednesday January 03, 2024 - 10:27:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Mahdi Guuleed oo farriin u diray reer Somaliland, kadib heshiiskii Addis Ababa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka falceliyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Mahdi Guuleed ayaa ugu horreyntii caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay inuu kasoo horjeedo heshiiskaas oo qayb kamid ah badda Soomaaliya loogu saxiixay Itoobiya.

"Soomaalidu waxa ay tiraahdaa Berbera wax go’ lagu qaado waa ka weyn tahay badda Soomaalidu iyo dhulka Soomaaliyeed wax Muuse Biixi inuu degta ku rito oo uu iib geeyo waa ay ka weyn tahay” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Guuleed oo la hadlay warbaahinta.

 

Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isagu saxiixay heshiiskaas, wuxuuna tilmaamay in dhib u horeesadayo Soomaalidu.

"Habar Jeclo Muuse waa kaa, Soomaaliyey Muuse waa kaa waa aragtaan nala arka horay ayaan u sheegnay marar badan halka uu dadkaas ku wado” ayuu mar kale yiri Mahdi.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland iyo baarlamaanka maamulkaasi oo ugu baaqay inay ka horyimaadaan heshiiskaasi.

 

"Waxaan baaq u dirayaa shacabka Somaliland ee gobta ah, waxaan baaq u dirayaa baarlamaanka Somaliland labadiisa Aqal, waxaan baaq u dirayaa xisbiyada iyo ururada siyaasadda, culima-u-diinka, bulshada rayidka iyo qof kasta oo Somalilander ah inuu ka dhiidhiyo is-afgarad ku sheegaas baadilka ku dhisan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga Somaliland, maadaama la sheegay in Muuse Biixi uu heshiiskaas ku bedashay aqoonsi ay siiyo Itoobiya.

 

"Muuse dadka waxa uu ka iibinayaa aqoonsi, waad ogtihiin aqoonsiga qawaaniinta caalamiga ah waa taqaanaa marka Itoobiya ku aqoonsatay ma ah wax uu dadka ka iibin karo waqtigiisa wuu dhammaaday” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Gabagabadii waxa uu yiri "Ugu dambeyn waxaan u tacsiyeynayaa shacabweynaha Soomaaliyeed dhammaantood, waxaan u tacsiyeynayaa reer Somaliland, waxaan u tacsiyadeynayaa madaxweynaha Jabuuti iyo shacbiga reer Jabuuti oo iyagana saameyn iyo tabasho dadban uu ku yeelanayo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip