Daawo: Xasan oo si kulul uga hadlay heshiiska Ethiopia, shaaciyay arrimo dhowr ah

0
Tuesday January 02, 2024 - 12:15:05 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan oo si kulul uga hadlay heshiiska Ethiopia, shaaciyay arrimo dhowr ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka ayaa si kulul uga hadlay heshiiskii shalay ay Addis Ababa ku saxiixeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.

"Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale soo hadal qaaday aqoonsiga ay sheegtay Somaliland inay ku beddelanayso dhul-badeedka ayaa sheegay in Itoobiya bixin karin aqoonsi caalami ah.

 

"Walaalayaal Itoobiya aqoonsi idin ma heyso aqoonsi idin siinaa haddey tiraahdana aqoonsi jiro ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul-badeed ka hesho Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ay ganafka ku dhufatay heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

 

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip